Xaaskayga way been badan tahay ila taliya

Su’aasha:

Xaaskayga waxaan ku arkay been badan marka ay wax samayso wax kale ayay ii sheegaysaa marka ay meel aado runta ima sheegto, dhowr jeer ayaan ka reebay, xataa caruurta ayaa bilaabay inay ku daydaan, marka wan ku wareersanahay maxan sameya ila taliya, waxan ku nool nahay dalka Holland

Xaaskayga way been badan tahay ila taliya
Xaaskayga way been badan tahay ila taliya

Jawaabta:

Beenta waa wax xun qofka beenta sheegaya kama baxo fikir iyo cabsi, mar kaste wuxuu is yiraahdaa goormaa lagu ogaan, marka xaaskaaga haddii ay tahay beenley waxaa kula gudboon inaad isku dayso inaad wanaaiso mar kaste haka daalin, waayo marbaa laga yaabaa inay waanada qaadato una duceey, haddii ay ahaan lahayd gabar aad guursan rabo waxaan ku dhihi lahaa ka fogow, laakin hadda waa xaaskaaga caruur ayay kuu haysaa, marka guriga inaad iska burburiso ma aha, dhibka ka imaanaya gurburka guriga ayaa ka weyn beenta hadda ay kuu sheegeyso illeen beenteeda wali maarsiisana been halis daran, waxay been ka sheegaysaa nolosheeda caadiga ah halkaas ayaan jiray cuntadaas ayaan cunay, marka waad sixi kartaa haddaad go’aan rasmi qaadato.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More