Wiil ku riyooday madaxweyne Farmaajo oo lacag doolar siinaya

Su’aasha:

Asc walle waxan ku riiyooday xalay Madaxweynaha Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo oo lacag doollar isiinaya wuuxuuna ii leeyahay qaado waana lacag xaashii ah oo dollar ah marka maxay noqon karta fasiirkeeda. waad mahadsan tahay.

Wiil ku riyooday madaxweyne Farmaajo oo lacag doolar siinaya
Wiil ku riyooday madaxweyne Farmaajo oo lacag doolar siinaya

Jawaabta:

Riyada waa bishaaro waxay tilmaamaysaa inaad gaari doonto jago sare sidoo kale inaad yeelan doonto magac iyo awood, riyada labo astaan ayay wadataa oo kala ah madaxweyne iyo lacagta doolarka, labadaba waxaa lagu fasiraa awood iyo talo iyo magac sarreeya.

Marka waxaa dhici karta inaad hesho shaqo fiican ama darajo sare aad ka gaarto waxbarashada oo aad hesho shaado aad u sarraysa, ama inaad masuul noqoto oo magac iyo sharaf dadka agtooda ku leh.

Guud ahaan riyada waa riyo fiican.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More