Qaran waa lagu qaraabtaa, Farmaajo wuxuu ka mid yahay dadka ku qaraabta qaranka, teeda kale yaa ku dhahay Farmaajo ayaa ka fiican dadkii ka horreeyay?, afrarta sano uu haystay immisa qarax dhacay lama soo koobi karo, wadanka wuxuu hadda kasoo kacayaa dhibkii kasoo gaaray dagaalladii ka dhacay ee sokeeyaha, sidey ku suurtagalaysaa in la sameeyo doorasho qof iyo cod, dal aan dadkiisa la diiwaangalinin oo xataa aan lahayn nidaam lagu ogaan karo tirakoobka dadka, oo kala go’an oon amaan jirin, nolol aan haysanin, sidoo kale meelo badan gacanta ugu jiraan dad kale aan dowladda ka mid ahayn.
Marka sheekada Farmaajo way iska caddahay qarandumis waxaa lagu tilmaami karaa Farmaajo iyo dadka beenta ku raacsan, waana labo nooc: kuwo qabiil ku taageersan oo qarsanaya oo qaran ku daboolaya, iyo kuwo masaakiin ah oo la siray beenta baraha bulshada laga dherjiyay inuu yahay Farmaajo halyey.
Webka Daruur ma aha web hadda la dhisay waxaa la aasaasay 2006-kii intaas oo sano umadda soomaaliyeed ayuu u adeegayay, marka ma aha inaad ku tilmaanto qabyaalad inuu ka shaqaynayo, waxaa la yaab leh dad badan oo ka mid ah dadka taageersan Farmaajo aan fikiraynin oo u haysta inuu yahay isaga kaliya qaran wixii isaga khilaafo qabyaalad inay ku dhaqmaan.
Farmaajo muxuu u diiday inuu doorasho sameeyo sidii hore oo kale?