Wada noolaansho nabdoon waxay lagama maarmaan u tahay aadanaha xili walba iyo meelkastaba
DUNIDAAN AAN MAANTA KU NOOLNAHAYNA MA AHA MIDII UGU HORAYSAY EE AY KUWADA NOOLAADAAN MUSLIM IYO GAAL MAGACUU DOONO HA SHEEGTEE MIDIGTA FOG AMA BIDIXDA FOG WALIGEED WAA LAWADA NOOLAA KA SOO BILAAW XILIGII UU UUMAY AADANAHA EE BAHEEN XILIGII SUUBANAHEENA MUXAMAD NNKH mana jirin cid lagu dhex dulmiyay waliba ayadoo xiligaasi ay umada muslinka ahi awood lahayd balse quruxda naxariista islaamka ayaa ahyd sidaa in lagu wada noolaado.

Doonista alle ayayna ku ahaatay in dadku kala diimo duwanaadaan kalana fahan duwanaadaan kuna wada nooladan nabad
Waxaana wacan in ay aqbalaan dadku si loo helo degenaasho iyo nabad waarta, lagana dheeraado is nacaybka
Kuwaani waa qaar ama qaybo ka mida sida wacnayd ee uu islaamku ula dhaqmi jiray xiliga nabada ama xiliga muslimiintu qaadi jireen dagaalka lagu waajibka yeelay:-
Diimaha illaah samadiisa ka soo dajiyay ee saddexda ah(Islaam,Yahuudi iyo Masiixigaba) waxaa illaah usoo dajiyay midkastana ugu yeelay rasuul ayaa ah in dadku ku hanuunsamaan qaybna ka qaataan camirnaashaha nabada isjacaylka iyo jiritaanka koonkaan, islaamkuna arintaas wuu dhaqan galiyay xiriirka kala dhaxeeyo dadka aan ku diinta ahayn tusaale:
Yahuudu waxay ahaayeen dad wax ka daganaa magalada Madiina oo ay ka talinaysay dowlad islaamiya waxayna ka mid ahaayen umadii xoola dhaqatada ahyd ee daganayd madiino, waxaa lagu qoray dastuurkii dowladaas islamiga ahyd qoraal ahaa sida tan:(In dadka yahuuda haystaan diintooda , Muslimiintuna haystaan diintooda hadii yahuuda la soo weerarana ay muslimiintu difaaci doonaan difaaca magaaladana kawada dhaxayso talo iyo wanaagna ka dhaxayso yuhuuduna tahay umad ka mida muslimiinta.
Cumar Bin alkihidaab illaah raali haka noqdee in uu yiri rasuulku(Qofkii dilaa qof dhulka muslimiinta ku jooga heshiis ma urin doono carafta janada)
Dhanka kale hadii aan eegno Rasuulkeena NNKH sida ula dhaqmi jiray dadka aan muslinka ahayn wuxuu rasuulku kala qayb gali jiray waliimooyinkooda hadii dhibaato ay qabsato wuu uga tacsiyadayn jiray sidoo kale wuxuu ahaa mid ka daynsada dadka ahlu kitaabka ah lacago anakoo wada og in xiligaa ay jireen asxaabtiisa lacagna haysta jecelna laakiin waxa uu nabaraayay rasuulkeenu NNKH in gaal iyo muslimba wada noolan karaan wada dhaqana dhex mari karo
Qiso kale hadii aan soo qaadano saxaabigii waynaa Cumar Bin Khidaab xili uu ku sugnaa dhulkii Shaam ayuu la kulmay koox gaalo ah oo canbuuradii dagaalka xiran isla markaana ku ciyaaraya seefo iyo warmo sida ay ahayd cadadooda in ay sameeyaan markay jiraan maalmo ay wayneeyaan Cumar Bin Khidaab ayaa yiri ka joojiya saxaabiga Abuu Cubayda ayaa yiri: “amiirkii muminiintoow tani waa dhaqankooda hadii aad udiidana waxay u arkayaan in heshiis koodii lalagalay ka baxday” amiirkii muminiinta Cumar ayaa dabadeed yiri iska daaya.
Sidoo kale Cumar Bin al Khidaab ayaa arkay oday waayeel ah oo kutubayo isla markaana garaacayo albaabada guryaha asaga oo tuugsanayo kadibna Cumar ayaa waydiiyay ahlu kitaabkee tahay(Muslin,Kirishtan iyo Yahuudi) deetana wuxuu odaygii waayeelkaa haa ku jawaabay waxaan haystaa diinta yahuuda ka dibna saxabigii Cumar Bin al khidaab ayaa ku yiri maxaa kugu kalifay xaalkan?Odaygii ayaa ku jawaabay: Daqnimo Dan iyo lacagta jizyada la iiga qaado Cumar ayaa gacanta ka qabtay odaygii yahudiga ahaa waxa uuna geeyay gurigiisa waxa uuna soo siiyay markaa wixii yaalay gurigiisa ka dibna waxa uu udiray qasnadii lacagta muslimiinta ama baytul maalkii muslimiinta wuxuuna ku yiri cumar: eeg Odaygan iyo kuwa la midka ah illaahaa ku dhaartee uma cadaalad suubin hadii dhalinyaro nimadiisiina ka qaadnay jizyo odaynimadiisiina aan badnay tuugsi wuxuuna uqoray lacag laga siiyo bankigii islaamka.
Sidaa ayuu islaamku ula dhaqmi jiray dadka aan ku diinta ahayn islaamku waa diin ilaalisa bani aadanimada
Waxaan waydiinayaa kuwa islaamka neceb maxaa saldhig u ah nacaybkiina? Ma taariiqda hal dhinac kaliya ka aqrisateen?
Maxay galabsadeen 49 qof oo aan wax dhibaato ah idiin gaysan
W/Q: SayedAli Abdullahi Salad
Peaceful coexistence is essential for humans at all times and in all places. THIS WORLD WE LIVE IN TODAY IS NOT THE FIRST IN WHICH MUSLIMS AND INFILS HAVE LIVED TOGETHER, WHETHER ON THE FAR RIGHT OR THE FAR LEFT, IT HAS ALWAYS BEEN A LIFETIME SINCE THE TIME OF THE CREATION OF HUMANS, WHICH WAS THE TIME OF OUR PROPHET MUHAMMAD, PBUH, and there was no one oppressed among them, even though at that time the Muslim nation was powerful, but the beauty of Islam’s mercy was that they should live together.
It was Allah’s will that people of different religions should understand each other and live together in peace.
It is better for people to accept each other in order to achieve stability and lasting peace, and to avoid hatred.
These are some or parts of how Islam treated them well during times of peace or when Muslims fought the obligatory war:-
The three religions that Allah revealed from His heaven (Islam, Judaism and Christianity) were revealed by Allah and each of them was sent by Him as a messenger so that people could be guided and participate in the preservation of peace, love and the existence of this universe. Islam implemented this in relations between people who do not share the same religion, for example:
The Jews were a people who lived in the city of Medina, which was ruled by an Islamic state, and they were among the pastoralist people who lived in Medina. It was written in the constitution of that Islamic state as follows:(That people The Jews have their religion, and the Muslims have their religion, and if the Jews are attacked, the Muslims will defend the city, and there is mutual understanding and goodwill between them, and the Jews are a nation of Muslims.
Umar Bin al-Khidab, may God be pleased with him, said that the Messenger of Allah (peace and blessings of Allah be upon him) said: “Whoever kills a person in the land of the Muslims will not smell the fragrance of Paradise.” On the other hand, if we look at how our Messenger of Allah (peace and blessings of Allah be upon him) treated non-Muslims, the Messenger of Allah (peace and blessings of Allah be upon him) would attend their funerals and offer condolences if they were in trouble. He would also lend money to the People of the Book, knowing that at that time there were his companions who had money and loved them. However, our Messenger of Allah (peace and blessings of Allah be upon him) taught that both infidels and Muslims can live together and practice together. Another story is that when the great companion Umar Bin Khidaab was in the land of Sham, he met a group of infidels who were wearing battle armor and were playing with swords and spears, as was the custom for them to do when there were days when they were in great danger. Umar Bin Khidaab said: “Stop it, Abu Ubaydah, the companion of the Prophet (peace and blessings of Allah be upon him) said: “O Commander of the Faithful, this is “If you oppose their culture, they will consider that their agreement with them has been broken.” The Commander of the Faithful, Omar, then said, “Leave it alone.”
Also, Umar Bin al Khidaab saw an old man who was writing and knocking on the doors of houses begging. Then Umar asked him which people of the book he was (Muslim, Christian and Jewish). The old man replied, “Yes, I am a Jew.” Then Umar Bin al Khidaab’s companion said to him, “What has brought you to this situation?” The old man replied, “Daqnimo Dan and the money that is taken from me in jizya.” Umar took the Jewish old man by the hand and took him to his house and gave him what was in his house. Then he went to the treasury of the Muslims or the Baytul Maal of the Muslims and said to Umar: “Look, by God, this old man and those like him have not been treated fairly, even if we have taken jizya from his youth and his old age has not been too much for begging.” He wrote down money to be given to him from the Islamic bank.
This is how Islam treated non-Muslims. Islam is a religion that protects humanity.
I ask those who hate Islam, what is the basis for your hatred? Have you only read history from one side?
What happened to 49 people who did not cause you any harm?
By SayedAli Abdullahi Salad
