Site icon Daruur درور

Waxbarashada iyo guurka yaan hormariyaa

Su’aasha:

Waxan ahay gabar dugsiga sare dhameysay waxan rabaa inaa jaamacad dhigto  nin ayaa isoo doontay marka familkayga waxay i leeyihiin intaan ku joojo waxbarashada anigana waxaan ku iri waxaan guursanaa marka aan jaamacadda dhameeyo afar sano kaddib  waayo da;dayda way yar tahay maxaan sameeyaa ila taliya.

Waxbarashada iyo guurka yaan hormariyaa
Waxbarashada iyo guurka yaan hormariyaa

Jawaabta:

Waxbarashada iyo guurka ismaba diidayaan haddii aad awooddo inaad guursato oodna wax barato way fiican tahay, waxaa fiican inaad ka dhaadhiciso ehelkaaga sidaas, haddii ay diidaan waxaan kula talinaynaa inaad warka waalidkaaga maqasho waayo ducadooda ayaad ku heli kartaa waxa aad jeceshay oo ay ka mid tahay waxbarashada.

guurka ma aha sida la moodayo, waxay ka dhigaan dadka inuu lid ku yahay waxbarshada

Exit mobile version