Waxan ku riyooday rasuulka scw isaga oo hadh fadhiya

Su’aasha:

Asc

Waxan ku riyooday rasuulka scw isaga oo hadh fadhiya waanan utagay kadib wuxuu soo fariistay dhinacayga midig isaga oo aad u dhoola cadaynaya kadib intuu garabka 2 jeer iga dhirbaaxay ayuu idhahay ani aya guriga kugu sobooqan kadib wan kala tagnay

Bal riyadaas maxay noqon fasirkeedu?
Lkn
Riyada rasuulka lagu arkaayo shaydaan ma isku soo shabihi karaa?

Waxan ku riyooday rasuulka scw isaga oo hadh fadhiya
Waxan ku riyooday rasuulka scw isaga oo hadh fadhiya

Jawaabta:

Riyada aragtida rasuulka (SCW) waa riyo aad u fiican oo tilmaamaysa qofka meesha uu ka taagan yahay diinta iyo khayrka u danbeyn doono, qof nasiib leh ayaad tahay. Harka uu fadhiyo janada ayuu tilmaamayaa.

Teeda kale shaydaanka ma awoodo inuu isku soo ekeysiiyo rasuulka (SCW):

Nabiga (SCW) xadiis saxiix ah oo Bukhaari wariyay ayuu ku yiri:

 

(مَن رَآنِي في المَنامِ فقَدْ رَآنِي؛ فإنَّ الشَّيْطانَ لا يَتَمَثَّلُ في صُورَتِي، ومَن كَذَبَ عَلَيَّ مُتَعَمِّدًا فَلْيَتَبَوَّأْ مَقْعَدَهُ مِنَ النَّارِ).

(qofkii riyo igu arko wuu i arkay, shaydaan qaabkayga iskama dhigo, qofkii igu been abuurto asoo kas ay ka tahay fadhigiisa naarta haka diyaarsado).

Marka qofkii rasuulka (SCW) arko waa qof si dhab u arkay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More