Waxan ku riyooday anoo badbaadinaya madaxweyne Farmaajo oo la soo weeraray

Su’aasha:

Asc walal saakay salaada subax kadib waxan ku riyooday anoo badbaadinaya madaxweyne Farmaajo oo la soo weeraray kadib waxan sitay pastoolad waxana tooganayay ragga madaxweynaha soo weeraray waan badbaadinaya madaxweyne kadib waxan u imanaya laba wiil aan saxiibo nahay isla shaqeyna waxana la cunaya bariis iyo Kaluun.

Waxan ku riyooday anoo badbaadinaya madaxweyne Farmaajo oo la soo weeraray
Waxan ku riyooday anoo badbaadinaya madaxweyne Farmaajo oo la soo weeraray

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad shaqo fiican heli doonto sidoo kale inaad magac yeelan doonto, noloshaada si fiican ayay isku badalaysaa, mustaqbalka madax ayaad noqon doontaa.
Sidoo kale riyada waxaa laga dareemayaa Farmaajo in uu walwalsan yahay uu ka baqayo inuu ku guulaysan waayo doorashada soo socota, laakin way dhici kartaa in dad ay badbaadiyaan si uu mar kale u helo jagada madaxweynenimada, laakin taas ma cadda.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More