Site icon Daruur درور

Waxaan heystaa $1000kun ah marka maxaan ku sameeyaa ila tali

Su’aasha:

Waaku salaamay sxb waxaan ahay qof shaqo doon ah waxaan heystaa $1000kun ah marka maxaan ku sameeyaa qaabkee lacagtaas ay lacag kale iigu sameysmi kartaa waxaan rabaa inay lacagtayda ay lacag ii dhasho marka ila tali sxb.

Waxaan heystaa $1000kun ah marka maxaan ku sameeyaa ila tali
Waxaan heystaa $1000kun ah marka maxaan ku sameeyaa ila tali

Jawaabta:

Waan kaa qaaday salaanta saaxiib, guud ahaan qofka markuu lacag hayo waxaa u fiican inuu mashruuc galiyo si lacagtaas ay wax ugu dhasho, wax ka fiican ma jiro ganacsi, haddaad heli karto qof aamin ah oo aad la wadaagto ganacsi yar xataa ha ahaadee waan kula talinayaa inaad la gasho, laakin shardi waxaa ah inuu yahay qofka aad wax la wadaagayso qof la hubo oo aamin ah.

Haddii adiga aad jaanis haysana waxaad fiirin kartaa wixii bixi karo oo laga ganacsan karo lacagtaas meesha ayaad gashan kartaa, ganacsiga barako ayuu leeyahay.

Iska ilaali raga tuugada ah oo beenta dadka u sheega si ay lacagta uga dhacaan.

Dhaqqaada lacagta uu badiyaa laakin lacagta hadday meel iska taallo qiimaheeda xataa wuu yaraanayaa.

Exit mobile version