Site icon Daruur درور

Waxaan arkay islaan habar yar igu aadan

Su’aasha:

Asc, waxaan arkay islaan habar yar igu aadan oo joogno deegaan ku soo guurnay usocono magaalo , waxaa la socday caruur oo labisan ayadan way la lahadleysay caruurta , wayna faraxsaneed , kawaran ?

Waxaan arkay islaan habar yar igu aadan
Waxaan arkay islaan habar yar igu aadan

Jawaabta:

Riyada waxaa laga fahmayaa qof qaraabo ah inaad meel la aadi doonto xiriirna idin dhex mari doono.

Dhowr jeer ayaan kuu sheegay riyada waxaa fiican inay faahfaahsanaato si ay aad ugu caddaato, maxaayeelay fasiraadda riyada waxay ku xiran tahay qaabka loo arkay, waxaa laga yaabaa labo qof inay hal riyo isku mid ah arkeen haddana qof kaste tafsiir ka duwan la siinayo midka kale, taas waxaa keenaya farqi yar markuu jiro xataa farqiga wuxuu u noqon karaa xaaladda qofka ku sugan yahay qofka doobka qofka xanuunsan qof murugsan xaaladahaas oo dhan riyada way badali karaan.

Exit mobile version