Site icon Daruur درور

Waswaaska Nabiga (SCW) iyo Quraanka ku saabsan

Su’aasha:

Asc wll waswaska kisa xun OO qasabka ah maxa Dawa uah wuxuu iguqasba inan suubanaha scw inan wax kasheko tuusale quranka inbadan aya rasuulka scw lugu hadlay ama axaadiistisa marka hada nabiga scw markan maqlaba wax xun ayuu qalbigeyga kusotuuraya illa mararka qaar aan goansada inan quraanka akhrinin ama axaadiista iyo guud ahaan wacdiga aan dageysanin si aan rasuulka ugugafin Oon waxusan aheyn ugashegin maxan sameya.
2. Sometimes anigo nabiga uxanaqsan ayan is arka marmar controllka dhan aya igaduma hadi aan nabiga scw ugugafo ma waxaan lamid noqonaya mid si kaska ah ucayay wll ina soduceyo in Allah idafiyo.

Waswaaska Nabiga (SCW) iyo Quraanka ku saabsan
Waswaaska Nabiga (SCW) iyo Quraanka ku saabsan

Jawaabta:

Walaal shaydaanka si kaste ayuu ula dagaallamayaa qofka muslinka ah, hadduu awoodi waayo inuu ku rido xumaan toos ah, wuxuu kasoo galaa xagga waswaaska, marka wixii waswaas ah oo ku saabsan nabiga (SCW) iyo quraanka iyo islaamka ha sii raaraacinin, waa waswaas shaydaan adigana wax dambi aad ku leedahay ma jirto waayo ma aha wax adiga ugu talaggalay ama aad go’aansatay, marka kaste ka magangal Alle, akhriso ducadan:

(يا مُقَلِّبَ القلوبِ ثبِّتْ قلبي على دينِك)

(midka quluubta gadgaddinayow qalbigayga ku sug siintaada)

Exit mobile version