Site icon Daruur درور

Waswaaska iyo niyada soonka

Su’aasha:

Sheekh waxaan ka baqanyaa ama ka cabsanayaa in soonkayga mid la aqbalayn yahay wax baana igu leh soo qalee soonkii oo dhan dhan ilaa kuwii hore sababto ah niyada lamaad iman.mana yaqaanin in la niyoodo habeenkii balse suxuurta usoo kaco si soonka ugu adkaysto iyo inta aana caado qabina garanyo in kolayba iska soomayo maalmaha soo socda maa ii ansaxaya anoo yaqiinsan soomayo maalmahaas se ma qaleeya iyadoo grasho la’aan iga ahyd mise wxiii ka danbeeya izka jiraa.

Waswaaska iyo niyada soonka
Waswaaska iyo niyada soonka

Jawaabta:

Shakiga ma fiicna, haddii aad saxuur usoo kacday taas waxay ka dhigan tahay niyad inay jirto, saxuurta waxaa keeno soon, qofkii soomi rabo ayaa saxuurta, marka asal ahaan soonkaaga waa jiraa, niyadda looma baahna in lagu dhawaaqo oo afka laga sheego, shakiga iska naar.

Haddii aad isleedahay maba niyaysanin adaa niyadaada ogee markaas soonka waa inaad soo guddaa.

Exit mobile version