Site icon Daruur درور

War deg deg Ing Yariisow ku saabsan iyo qaraxa

War deg deg Ing Yariisow ku saabsan iyo qaraxa

Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee maamulka gobolka Benadir Mudane Tuuleh oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ugu baaqay Shacabka gobolka Benadir iney is dejiyaan.

Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey in Guddoomiyaha gobolka Benadir ahna Duqa magaalada Muqdisho uu nool yahay islamarkaana uusoo gaaray dhaawac fudud hadana ay dhaqaatiirta dabiibiyaan.

Sidoo kale Guddoomiye Tuulah waxa uu xaqiijiyey iney jiraan dhaawac so gaaray Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka qaarkood iyo Agaasimeyaasha dowladda hoose qaar ka tirsan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in falkan Argigixisadu geysteen uusan joojin doonin shaqada ay shacabka u hayaan islamarkaana Shacabka looga baahan yahay iney isku duubni muujiyaan.

waxaalaga soo xigtay warkan

Cabdi Jeite

Exit mobile version