Site icon Daruur درور

Waqtigee ugu wanaagsan ee wax la akhriyaa?

Su’aasha:

Asc qabkee ugu wanagsan Oo ruuxa u murajiceyn ( revisions) kara caharkisa taaso ka sacideysa inu hilmamin. Waqtigee ugu wanaagsan ee wax la akhriyaa?

Waqtigee ugu wanaagsan ee wax la akhriyaa?
Waqtigee ugu wanaagsan ee wax la akhriyaa?

Jawaabta:

Qofka marka uu casharka qaato ayaa fiican inuu isla markii muraajaceeyo wixii uu fahmi waayo si dhaqsi u weyddiiyo macallinka casharka siiyay, ma aha inuu meel iska dhigo casharka uu qaatay oo waqti dheer kadib muraajaceeyo, waxaa ugu fiican waqtiyada munaasibka ah waqti uusan wax ku mashquulsanayn siiba salaadda subaxa kaddib asoo soo qaatay hurdo fiican, akhriska aroortii waa mid aad u fiican oo maskaxda ku dhegaya.

Waxaa la sheegay akhriska in laga helayo faa’idooyin aad u badan waxaa ka mid ah”

  1. التنشيط الذهني
  2. تقليل الضغط والتوتر
  3. الحصول على المزيد من النوم
  4. زيادة العلم والمعرفة
  5. الحصول على ذاكرة أفضل
  6. تحسين المفردات اللغوية
  7. تحسين القراءة

  1. Firficoonaysiinta maskaxda
  2. Yareynta cadaadiska iyo qalqalka
  3. In la helo hurdo badan
  4. Kordhisashada aqoonta iyo cilmiga
  5. In la helo maskax fiican
  6. Hagaajinta kalmadaha luuqadda
  7. Hagaajinta akhriska

Exit mobile version