Site icon Daruur درور

Waalidka caruurtiisa dayacay xaq maku leeyahay

Su’aasha:

Asc

Wll qof aan saaxiibo nahay ayaa ilawadaagay su’aal waxayna udhacaysaa sida tan

Qof dayacay xaqi ay kulahaayeen ubadkiisu oo aan
Soo barbaarin
Soo tarbiyadayn
Oon diinta barin
Oo marna siinayn dareen aabanimo
Dankalahayn oo aan ogayn wax uu kusugan yahay ilmihiisu
Inuu qado iyo inkale
Oo aan kalaba jeclayn noloshiisa iyo geeridiisa

Sidee buu xaq ugu yeelanayaa ilmahaas uu dayacay kaalintiisi?

Qofka dumaalka ahise yuu dhaxalka ku leeyahay aabihii mise hooyadii ?

Waalidka caruurtiisa dayacay xaq maku leeyahay
Waalidka caruurtiisa dayacay xaq maku leeyahay

Jawaabta:

Waalidka xaq ayuu kugu leeyahay mar kaste xataa hadduusan kusoo kornin oo uu jidka kaaga tago, xaqa dhalmada ayaana ugu horreeyo, laakin xaqa ma aha in si qalad loo fahmo, waalidka xaqiisa waa in la xiriiriyaa wixii wanaagsan lagu adeecaa oo aan xaqa khilaafsanayn haddii dhib uu haystana waa in wax la siiyaa, ee ma aha inuu kaa reebo wixii xaq ah ama saxsan oo uu kugu gooddiyo fartan waa duco fartanna waa habaar.

Taas marna laguma adeecayo waayo waa wax munkar ah oo dambi ah, oo khilaafsan diinta Alle.

Sidoo kale waalidka marka uu kasoo bixi waayo waajibka ka saaran ubadkiisa danbi ayuu ka galay Allaha amray in la barbaariyo ubadka oo la daryeelo, taasna Alle ayaa kula xisaabtamaya waalidka ilmahooda dayacay, meel ayay ugu qoran tahay.

Su’aasha qaybta ugu dambeyso ma cadda  ee soo faahfaahi,  teeda kale qofka wuu dhaxlaa hooyadiisa iyo aabbihiisa markay dhintaan, laakin su’aal gaar ah haddaad ka wado soo faahfaahi.

Exit mobile version