Riyada wiil habaryar dhashay oo sun cabaya

Riyada wiil habaryar dhashay oo sun cabaya Riyada: Waxan riyo ku arkay wiil habar yarteyda dhashay oo cabaya biyo sun ay ka buuxaan maxa lagu fisiri karaa. Fasirka: Riyada sunta fasir kala duwan ayay yeelan kartaa laakin riyadan waxaa laga fahmayaa qofkaas biyaha sunta ka buuxdo cabbaya in cadaadis badan uu dareemayo oo uu la’yahay […]
Fasirka riyada adoo gabar biyo weyso ku siinayso

Riyada: Asc Habeen waxaan ku riyooday anoo gabadh meel biyo ka dhaaminaysay aan wayso waydiistay in ay isiiso, dabadeed caagad yar oo aan sitay ayey wayso iigu shubtay sidaa ayaan ku waysaystay. Markaa waxaan jeclahay in la ii fasiro riyadaas. Fasirka: Riyada weysada waa riyo aad u fiican waxay wadataa astaamo tilmaamaya wanaag iyo khayr. […]
Adeerkay wuxuu ku riyooday aniga oo ceel biyo nadiif ah ku jira

Adeerkay wuxuu ku riyooday aniga oo ceel biyo nadiif ah ku jira Su’aasha: Adeerkay wuxuu ku riyooday aniga oo ceel biyo nadiif ah ku jira Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa khayr iyo arsaaq iyo cimri dheer, ceelka biyaha nadiifka leh waa khayr badan inshaa Allaah. Riyada ceelka biyaha ka buuxo marka naag la qabo ay aragto […]
Riyada dad badan lala dabaalanayo

Su’aasha: Riyo dabasha dad badan lala dabalanayo biyo badan. Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa in dad aad dhex gali doonto oo aad wax la wadaagayso shaqo ama ganacsi ama wax kale oo aad wax ka faa’idayso, guud ahaan riyada waa riyo fiican.
Riyada gabar yar la waaynayo kadib barkad biyo laga helayo

Su’aasha: Hooyo ku riyootay Ayada weysay gabaryar dheeda oo cada ayado weysay ee markey haben maqned eey ilmokaso helena gbdhi barkad biyo kujiran ayado naf yaru kujirto eedhabta sartay sacabkedakusisay caano waxan uyimid ninshiqa oo ey sagaranen ninka. Jawaabta: Qoraalka soomaaliga iska sax wuu wada qaldan yahay, guud ahaan riyada waxay tilmaamaysaa arrin dhib wadata […]
Riyada roobka imaanayo biya la’aan kadib

Su’aasha: Asc waan idin salaamay bahda daruur. Waxa aan ku riyooday dhul abaar ah oo biyo la’aan darani ka jirto Oo uu roob aad u wayni isasooqabtay daqiiqado yar gudaheedna Biyuhu dhulka cadeeyeen Mahadsanidin. Jawaabta: Inshaa Allaah riyada khayr iyo barwaaqo ayay tilmaamaysaa iyo in Ilaahay naxariistiisa la heli doono, waa riyo aad u fiican […]
Riyada biyaha webiga oo soo fakaday

Su’aasha: Asc, waxaan arkay anoo ag maraayo webi buuxa oona lasocdo nin aqaano i sheekeynaayo , webiga banaankiisa waxaa buuxay biyaha soo fakaday , aan biyaha dhex lugeyneyno , wax yaxaas ahna ma arag, maxay noqoney ? Jawaabta: Riyada waa khayr badan iyo barwaaqo iyo aaran, waxaa kale ay tilmaamaysaa inaad ka gudbi doonto dhibaatooyinka […]
