Site icon Daruur درور

Taariikh nololeed kooban Saciid Deni Madaxweynaha cusub ee puntland

Taariikh nololeed kooban Saciid Deni Madaxweynaha cusub ee puntland

Taariikh nololeed kooban : Madaxweynaha cusub ee puntland wuxuu sannadkii 1966-dii ku dhashay Magaalada Muqdisho, sannaddii 1972dii wuxuu waxbarashada hoose/dhexe ka bilaabay dugsiga hoose/dhexe ee Muqdisho, 1980kii ilaa 1984kii wuxuu dugsiga sare ku qaatay Sheekh Xasan Barsame- Muqdisho halka 1986dii ilaa 1990kii uu Jaamacadda Ummadda ka diyaariyay kulliyadda luqadaha, 1998 – 2000 Shahaadada labaad ee Jaamacadda ayuu ka qaatay Jaamacadda Putra Malaysia, takhasuska Maamulka (Master of Management)
.MD . Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1992dii wuxuu noqday madaxii waaxda Howlaha

Taariikhda Saciid Deni
Taariikhda Saciid Deni

maraakiibta ee Dekedda Boosaaso, wuxuu kamid ahaa aasaasayaasha Hay’adda Kheyriga ah ee Tadamun, oo ah hay’ad ka shaqeysa waxbarashada, biyaha, caafimaadka iyo gargaarka bini’aadannimada, haddana gacanta ku haysa in ka badan 15,000 oo arday. wuxuuna Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ahaa guddoomiyaha Jamciyadda sannadihii 1992 ilaa 1997 Intii u dhaxaysay, sidaas oo kale wuxuu ahaa Asaasihii Dugsiyada Imaamu Nawaawi iyo maamulihii koowaad ee hogaaminayay Dugsiyadaas sannadkii 1992 ilaa 1998dii, iyadoo maanta Imaamu Nawaawi ay Dugsiyadiisu yihiin 22 Dugsi oo 5 kamid ah Dugsi Sare.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni Sannadkii 1994, wuxuu ahaa xubin katirsan Guddiga Waxbarashada Gobollada Waqooyi Bari, ee Soomaaliya, Sannadkii 1996, wuxuu noqday xubin Guddiga Cilmi Baarista ee la shaqeeynayey Hay’adda War-torn Society, oo wax ka qortay heerka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee Gobollada waqooyi Bari Soomaaliya. Sannadihii 2002 ilaa 2012, wuxuu xilal kala duwan ee heer Maammul ah kasoo qabtay ururro ganacsi oo kala duwan ay ka mid ahaayeen Ururka Ganacsiga “Waaberi Group—Djibouti”, Guddiga Ganacsatada Puntland, Rugta Ganacsiga Puntland, Guddiga ganacsatada Soomaaliyeed ee Jabuuti, Dubai iyo Oman, sidoo kale wuxuuna heer maamul ah kasoo qabtay shirkado ganacsi oo waaweyn ay ka mid ahaayeen Shirkadda Towfiiq, Shirkadda Sibirka Barwaaqo, African Horn Company (Salalah, Oman) iyo Salalah Macaroni Company, Oman.Sannadkii 2005 Madaxweyne Siciid wuxuu noqday Guddoomiye ku xigeenka guddiga isku dhafka ee ganacsatada iyo Dowladda, ee loo xilsaaray habeyntii canshuuraha Puntland.ugu dambayntiina 8-01-2019 wuxuu ku guulaystay madaxweynaha puntland
Exit mobile version