Site icon Daruur درور

Subaga digaaga muxuu daawo u yahay?

Su’aasha:

Sxb maalmahaan waxaa qaali ka noqday meeshan aan joogo subaga doorada ama digaaga halkii caag $100 aa la gadooyaa furkiina $3dollar waye xitaa waxaan maqlaaye in subaga ay dhaqaatiirta qoreen marka muxuu faa’ido leeyahay subaga doorada.

Subaga digaaga muxuu daawo u yahay?
Subaga digaaga muxuu daawo u yahay?

Jawaabta:

Waxa loo yaqaano subagga digaaga afka ingiriiskana Chicken fat carabiga دهن الدجاج ma aha sida subagga caanooleyda oo kale, oo lagasoo saaro caanahooda, dufinta digaaga waxay ku jirtaa hilibka doorada siiba maqaarka.
Dufintaas waxay wadataa Linoleic acid inta badan waxaa loo adeegsadaa in lagu quudiyo xayawaanada dabjoogta aad buu u anfacaa, qofka wuxuu ka heli karaa hilibka digaaga siiba doorada cayilan, haddii digaag buuran aad cunto maqaarkeeda subag badan ayaad ka helaysaa, laakin doorada waxaa fiican inay ahaato midda dabiiciga ah, ee aysan ahayn midda warshadda, maxaayeelay midda warshadda buritiin ayaa la duray oo u keenay dufinta ma aha dufin dabiici ah, qofka dhib ayay u keeni kartaa marka uu iska badiyo.

Guud qofka hadduui iska badiyo maqaarka digaaga cayil ayuu ka qaadaa wuxuu ka mid yahay waxyaalaha dhaqsi jirka ku cayiliya.

Exit mobile version