Site icon Daruur درور

Sixirka waa maxay ma dhab baa mise waa dhaleenteed

Sixirka waa maxay ma dhab baa mise waa dhaleenteed

Sixirka waa wax jiro oo lagusoo dejiyay labo Malag oo lagu magacaabo Haaruut iyo Maaruut.

Sixirka waxaa lagusoo dejiyay magaalada Baabil ee ku taalla dalka Ciraaq.

Sixirka waa maxay ma dhab baa mise waa dhaleenteed
Sixirka waa maxay ma dhab baa mise waa dhaleenteed

Taasna waxaa lagu sheegay Quraanka Kariimka.

wuxuu yiri Alle:

(وَاتَّبَعُوا مَا تَتْلُو الشَّيَاطِينُ عَلَىٰ مُلْكِ سُلَيْمَانَ ۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيْمَانُ وَلَـٰكِنَّ الشَّيَاطِينَ كَفَرُوا يُعَلِّمُونَ النَّاسَ السِّحْرَ وَمَا أُنزِلَ عَلَى الْمَلَكَيْنِ بِبَابِلَ هَارُوتَ وَمَارُوتَ ۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنْ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَا إِنَّمَا نَحْنُ فِتْنَةٌ فَلَا تَكْفُرْ ۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنْهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِ بَيْنَ الْمَرْءِ وَزَوْجِهِ ۚ وَمَا هُم بِضَارِّينَ بِهِ مِنْ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذْنِ اللَّـهِ ۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمْ وَلَا يَنفَعُهُمْ ۚ وَلَقَدْ عَلِمُوا لَمَنِ اشْتَرَاهُ مَا لَهُ فِي الْآخِرَةِ مِنْ خَلَاقٍ ۚ وَلَبِئْسَ مَا شَرَوْا بِهِ أَنفُسَهُمْ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ) البقرة 102

(Waxay raaceen (Gaaladii Yuhuuddu) waxa ay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta ayaa Gaalowday, waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la’aantiis, waxayna bartaan Dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan ayey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baas leh Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin. ) Albaqara 102.

Aayaddan waxay tilmaamnatay inuu yahay sixirka wax lagusoo dejiyay labadaas malag waana imxitaan waana lagu gaaloobayaa, sidoo kale shayaadiinta inay adeegsadaan.

Marka sixirka meelo badan ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay waxyaalaha ay adeegsadaan gaalada, fircoon ayaana adeegsan jiray.

wuxuu yiri Alle:

(وَقَالَ فِرْعَوْنُ ائْتُونِي بِكُلِّ سَاحِرٍ عَلِيمٍ ﴿٧٩﴾ فَلَمَّا جَاءَ السَّحَرَةُ قَالَ لَهُم مُّوسَىٰ أَلْقُوا مَا أَنتُم مُّلْقُونَ ﴿٨٠﴾ فَلَمَّا أَلْقَوْا قَالَ مُوسَىٰ مَا جِئْتُم بِهِ السِّحْرُ ۖ إِنَّ اللَّـهَ سَيُبْطِلُهُ ۖ إِنَّ اللَّـهَ لَا يُصْلِحُ عَمَلَ الْمُفْسِدِينَ)

(Wuxuu yiri fircoon ii keena saaxir kaste cilmi badan * markay yimaadeen sixirooleyaasha wuxuu ku yiri (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan *  markay tuureenna wuxuu yiri (Nabi) Muuse sixir baad la timaadeen Alle ayaana Burin, Eebana ma hagaajiyo camalka fasaadiyayaasha.) Yuunis 79-80-81).

Marka sixirka noocyo badan ayuu leeyahay waxaa ugu daran sixirka yahuudda oo lagu magacaabo sixirka madow waa sixirka shayaadiinta waagii Nabi Sulaymaan ay adeegsan jireen, yahuudduna waa dadka ugu sixirka badan, iyaana ku faafiyay sixirka meelo badan oo dunida ka mid ah.

Sixirka ilaa hadda ayaa la adeegsadaa dalalka reer galbeedka aad bay u adeegsadaan laakin way qariyaan.

Tignaloojiyada la gaaray xiriir weyn ayay la leedahay sixirka, inta badan dadka keenay hormarkan cusub waxay ahaayeen yuhuud ku nool wadamada reer galbeedka.

Sixirka waxaaylo badan ayuu saameeyaa, dadka aad u adeegsada waxaa lagu gartaa waxay noqonayaan shayaadiin oo kale qaabka ay u dhaqmaan.

Qofka sixirka aaminsan oo ku dhaqmo wax kaste ayuu sameeyaa dambiyada waaweyn oo dhan.

reer galbeedka aad ayay ugu dadaalaan inay faafiyaan sinada iyo khamriga iyo dilka iyo burburka waxaas oo dhan waxaugu dhowaadaan shaydaan.

Haweenkana aad bay ugu fuliyaan danaha sixirka ay rabaan, dumarka waxay ka dhigtaan qoryaha ay sixirka ku huriyaan.

Sixirka noocan ah oo shayaadiinta loogu dhowaado waa sixirka lagu gaaloobo qof muislin ah sixirka ma ku dhaqmo, qofkii ku dhaqmo ama sameeyo ama saaxir u taga oo aamina diinta islaamka wuu ka baxayaa, illeen sixirka waa sharki lala wadaajinayo Allaha koonka abuuray.

Dambiga saaxirkana waa dambiga shirkiga.

Barashada sixirka waa xaaraan cad.

Daawada sixirka ugu fiican waa quraanka kariimka.
Illeen quraanka wuxuu cararsiiyaa shayaadiinta suuradaha ugu fiican lagu daaweeyo waas uuradaha oo culimada ruqyada ay sheegeen waxaa ugu horreeya suuratu albaqara iyo macawidateenka.

aayadaha sixirka lagu buriyo
aayadaha sixirka lagu buriyo

Astaamaha lagu garanayo sixirka

Liinta Sixirka iyo isha kahor tag ma u tahay

Exit mobile version