Sixirka guurka reebo waa maxay

Sixirka guurka reebo waxaa laga wadaa in ninka ama naagta laga sixro guurka marka  cumrigooda kama fikirayaan guur.
Ninka waxaaba laga xirayaa inuu naag raadsado.

Sidoo kale gabadha waxaa loo diidayaa in nin soo doono ama iyadaaba ninka u arkeyso inuu xun yahay.

Sixirka guurka reebo waa maxay
Sixirka guurka reebo waa maxay

Sidee lagu garan karaa sixirka guurka inuu jiro?

Astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah gabadha inay aragto riyooyin qarow ah, sida iyadoo nin ka baqayso.

Sidoo kale ninkana wuxuu ku riyoonayaa isagoo guursaday naag kana dhimatay ama isagoo guurka ku fashilmay.
sixirka guurka wuxuu ka imaan karaa xasadka qof ku neceb oo cadaawad kuu qabo inuu sixirkaas sameeyo ama jin gaal ah inuu naagta rabo inuu dulmiyo, markaas wuxuu u diidayaa inay nin guursato. sidoo kale jirrooyin aan la fahmaynin ayaa raga iyo dumarka sixran laga dareemayaa.
Daawada sixirka noocan ah waxaa ugu fiican Quraanka in qofka lagu akhriyo, waa inay ku akhriyaan dad wanaagsan.
Waa in laga fogaadaa kuwa isku sheega inay sixirka daaweeyaan.

Kuwaas badankooda been bay sheegaan xitaa waxay ku dhaqaaqaan waxyaalo shirki ah ama aan akhlaaq ahayn.
Sixirka waa wax jiro Quraanka baa lagu sheegay shayaadiintaana loo adeegsadaa.
Shaydaanka wuxuu ku ridayaa saaxirka gaalnimo iyo shirki, markaas ayuu u fuliyaa sixiroolaha waxa uu rabo.
Sixirka qofka hayo astaamaha ugu muhimsan lagu garto waa jahaweerka iyo qarowga hurdada iyo marka uu hurada ku jiro inuu dareemo culeys jirkiisa fuulaya, iyo xanuun aan la fahmaynin si kaste haddii loo baaro iyo caajis aan baxaynin.
Qofka Quraanka iyo wardiga laasima sidoo kale dahaarada iyo weysada sixirka wuu ka fog yahay.
sixirka wuxuu u badan yahay musqulaha iyo meelaha najaasada. si kaste ahaatee cudur kaste daawo ayuu leeyahay Ilaahay u dhowow isagaa wax walba kaaga filan.

 

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More