Site icon Daruur درور

Siigada jirka qofka miyay kala daadisaa

Su’aasha:

Siigada markan joojiyay mudo Aya kasowaregtay waxyaalo badan Ayan dareemay oo positive ah lakin waxan isku arkay inan caato noqday oo aan qof yar u ekaday marka siigada qofka qof weyn miyay kadigta oo jirkisa miyay Kala dadisa oo hada wan kasokabanaya mala dhihi Kara Mise dib kale Aya jiro.

Siigada jirka qofka miyay kala daadisaa
Siigada jirka qofka miyay kala daadisaa

Jawaabta:

Guud ahaan siigada caafimaadka ayay dhibtaa qofka waxay ku riddaa walwal iyo fikir badan qofka naftiisa kuma kalsoonaanayo, marka iska ilaali inaad ku laabato, sida la og yahay qofka marka uu nafsiyan u jiran yahay jirkiisa wuu kala daataa, cuntada uu cunayo nafaqo kama helo, marka siigada waa wax aan u fiicnayan caafimaadka qofka.

Caatanimada cudur ma aha ceebnaa ma aha soomaalida dhaqan ahaan qofka caataha ah waxay u arkaan qof gaajo heyso laakin arinta sidaas ma aha.

Caatanimada cudurka ah aad bay uga duwan tahay midda caadiga ah, midda jirrada keento neeftuur iyo tabardari iyo daal ayaa la socda.

Exit mobile version