Site icon Daruur درور

Siigada iyo soonka axkaamta la xiriirta

Siigada iyo soonka axkaamta la xiriirta

Siigada sida la og yahay waa qofka inuu naftiisa ku raaxaysto, raga iyo dumarka labada way sameeyaan, gabdhaha yaryar iyo dumarka garoobka ah, siigada waxaa sameeyo inta badan dadka kacsiga badan , dadka aan is reebi karin markay cidlo dareemaan ayay siigaystaan.

culimada afrata madaahib waxay qabaan siigada inay soonka jabiso, qofka haddii uu biyaha gacanta isaga keeno, soonkiisa wuu furmaa, waxay kasoo qaadeen sida galmada soonka ay u jabiso oo kale, laakin galmada dumarka waxaa kugu waajibto kafaaro haddaad sameyso adoo sooman, laakin siigada soonka ayay jabisaa haddii biyaha ay kaa baxaan.

Siigada iyo soonka axkaamta la xiriirta
Siigada iyo soonka axkaamta la xiriirta

Ibnu Xazm wuxuu qabaa siigada inaysan soonka jabinaynin xitaa haddii biyaha ay kaa baxaan taasna waxaa ku raacay dad yar culimada dambe ka mid ah.

saan og nahay culimada madaahibta afarta siigada agtooda xaaraan ayay ka tahay, waxaa la baneeyaa marka ay daruuro keento sida qof naag qolka usoo gashay kaddib naagtii uu ku dhici gaaray haddii uu biyaha iska keeno waxaa dhici karto shahwadiisa inay jabto markaas inuu ka badbaado sino uu gali lahaa, siigada markaas faaida ayay u keentay waxay ka badbaadisay sino, culimada mad’habka xanafiga ayaa tusaalhan u keenay siigada waxtarka siiga waa marka ay sino kaa reebto, sidoo kale faa’idada siigada waa marka qofka xaas uusan lahayn oo biyaha ku bataan habeenkiina aan isku junuubin markuu ka dareemo xanuun badan raayaha ama xaniinyaha markaas biyaha hadduu iska keeno daawo ahaan waa ka duwan tahay marka ninka uu raaxo kaliya ka raadinayo siigada,

taasna culimada qaar ayaa ka hadlay oo uu ka mid yahay Iabnu alqiyim.

dadka ka dhigtay seegada sida xaas oo kale maalin kaste musqusha kula jiro saabuun ama saliid oo raaxo ka raadiya, qaarkoodi maskaxda soo gashto gabar uu garanayo ama naag uu ka helay iyadoo qaawan marka siigada u socoto siduu ugu macaansado ama sawir qaawan keensado sida naag naasaha qaawan ama dabada qaawan kaas shaki kama taagna inuu xaaraan yahay.

sidoo kale shaqo ayuu ka dhiganayaa ninkaas seegada, guurka uma baxayo maxaayeelay naftiisa ayaa raaxo qaab daran baratay.

waxay ku abuuraysaa nacaybka galmada dabiiciga qaarkooda waxay ku rideysaa cudurka biyabaxa degdega oo maanta dhlinyarada badankooda ka sheeganaya.

 

Qof janaabo qabo shaambo iyo saabuun maku qubeysan karaa

 

Qof janaabo qabo ma soomi karaa

كما هو معروف ، فإن الشخص هو الذي يجب أن يستمتع بنفسه ، كل من الرجال والنساء يفعلون ذلك ، الفتيات الصغيرات والأرامل ، يتم الاستمناء من قبل معظم الأشخاص المثارين ، الأشخاص الذين لا يستطيعون كبح جماح أنفسهم عندما يشعرون بالخراب الذي يعطونه.

علماء المذاهب الأربعة يرون الإفطار للمستمني ، إذا جلب الشخص الماء في يده ، يبطل صيامه

Exit mobile version