Site icon Daruur درور

Sida loo daaweeyo niyadjabka iyo walwalka xiliga qorraxdhaca

Su’aasha:

asc wr wb bahda daruur waa idin salaamey waxaan isku arkaa xiliga qoraxda ay sii dhici rabto wan iska murgaa wan iska niyad jabaa macno daro welwel lajira maxey tahey arintaasi maxeysa noqon kartaa

Sida loo daaweeyo niyadjabka iyo walwalka xiliga qorraxdhaca
Sida loo daaweeyo niyadjabka iyo walwalka xiliga qorraxdhaca

Jawaabta:

Xaaladda aad shegayso waa xaalad nafsi ah, waxaa loo yaqaanaa afka ingiriiska Sundowning, ama sundown syndrome afka carabigana متلازمة الغروب

Qofka wuxuu dareemaa markay qorraxda dhici rabto walwal iyo murug iyo niyadjab.
Xaaladdaaas dumarka ayay u badan tahay iyo dadka waayeelka ah, way ku yar tahay dhalinyarada.
Waxaa lagaga hortagi karaa arriamaha soo socda oo daawo u noqon kara qofka hadduu sameeyo:

1- inaad weysaysato oo aad akhriso Quraanka kariimka.
2- inaad dhegeysato Quraanka kariimka siiba codka macaan aad ka hesho.
3- haddaad guriga joogto  inaad iftiin ka wada dhigto oo  aad mugdiga iska ilaaliso.
4- inaad samayso waxyaabaha aad jeceshay ama aad cabto shaah ama qaxwo ama aad cunto xalwo ama dad aad la sheekaysato oo aad isku mashquuliso wax fiican.
5- Inaad howl guriga ka qabato sida inaad tootoosiso alaabta ama aad wax xaaqdo ama cunto aad kariso
6- markay qorraxda dhici rabto inaad isku mashquuliso waxyaabo fiican iyo inaad wax akhriso ama jimicsi aad sameyso xiliga ay qorraxda dhici rabto.

Arrimahan waxaa laga yaabaa inay kaa daaweeyaan mushkilada ku haysta waa cudur nafsi ah.

Exit mobile version