Waa sheeko gaaban oo tilmaamayso xayladda dumarka ku jirto.
Waxaa la sheegay haweeney ninkeeda rabay inuu naag kale la guursado.
Markay ogaatay aad bay uga fikirtay. Waayo aad bay u masayr badnayd.
Habeen habeenada ka mid ah waxay tiri caawo casho macaan badan ayaan kuu sameynayaa.
Waan isla casheynaynaa. Sheeko fiicanna waan kuu hayaa.
Ninkeeda wuu la yaabay muddo ma aysan isla casheynin. Kaligiisa ayay cashada u keeni jiartay.

Marka ninka iyo naagta muddo ay isla joogaan waxay u dhaqmaan si labo qof ajaanib kala ah oo kale.
Rumaansiga iyo koolkoolinta way dhamaanaysaa.
Taas ayaa keenaysa ninka naag kale inuu guursado.
Marka habeenka la gaaray. Waxay soo diyaarisay casho macaan badan.
Bariis iyo hilib shiilan iyo cabbitaan iyo ansalaato macaan badan.
Waxay keentay saxan afar ukumood ay ku jiraan oo lasoo fuuriyay.
Wuxuu yiri afartan ukun maxay yihiin oo kala midabka ah?
Maxaa farqi ah u dhexeeyo ma ii sheegi kartaa?
Asoo yaabban ayuu su’aaashaas weyddiiay !!
Waxay tiri: markaad cunto ayaad ogaanaysaa farqiga u dhexeeyo.
Adiga tijaabi oo cun kaddib ii sheeg wixii aad ka aragto?
Wuxuu cunay afarta ukun oo dhan.
Markuu cunay wuxuu dareemay isku dhadhan inay yihiin oo aan farqi u dhexeynin. Kaliya midabada loo yeelay ay ku kula duwan yihiin.
Markaas xaaskiisa waxay tiri: naagahana waa sidan oo kale way ku kala duwan yihiin qaabka iyo jirka laakin waa isku dhadhan iyadoo ka waddo naag kale maxaad ka rabtaa !!
Markaas wuxuu yiri macaaneey waa runtaada waa isku mid hablaha oo dhan.
Laakin waxaan kuu sheegaa inaanan dhergi jirin marka hal ukun aan cuni jiray. Laakin markaan afarta cunay ayaan dhergay.
Wuxuu ula jeedaa naagaha inkastoo ay isku mid yihiin laakin marka naag kale aan guursado raaxada ayaan ka dhergi karaa.
Naagtii meesha ayay ku banjartay. Qorshaha ayaa ka burburay !!
Marka ninka naag kale mararka qaar wuxuu u raadiyaa ilmo badan inuu dhalo.
Ama naagta hore ayaan kasoo bixin waajibka saarnaa xagga raaxada.
Runtii Guurka cayaar ma aha waa mas’uuliyad. Inta badan dadka hadda is guursado waa dad aan ogeyn qiimaha guurka.
Wuxuu iska noqday guurka cayaar oo kale.
Waxaad arkaysaa gabar sagaal iyo toban jir ah oo afar jeer lasoo furay.
Waxayna ku badan yihiin soomaaliya.
Bulshada aad bay u burbursan tahay runta marka laga hadlo.
Nin ayaad arkaysaa naag fiican ilaahay kusoo toosiyay haddana naag kale raadinayo.
Haddii muuqaalkan aad ka heshay laayigta hanaga masuugin.
It is a short story that describes the turmoil in women.
It is said that a woman wanted her husband to marry another woman.
When she found out, she thought a lot about it. Because she was very jealous.
One night she said, “I will make you a delicious dinner tonight.”
We will have dinner together. And I have a good story for you.”
Her husband was surprised because they had not had dinner together for a long time. She brought him dinner alone.
When a man and a woman are together for a long time, they act like two strangers.
Romance and caressing end.
This leads the man to marry another woman.
When night came. She prepared a delicious dinner.
Rice and fried meat and drinks and a lot of delicious salads.
She brought a plate with four eggs that were fried.
He said, “What are these four eggs, different colors?”
Can you tell me what the difference is?
He asked that question in surprise!!
She said: When you eat, you will know the difference.
You try it and eat it and then tell me what you see?
He ate all four eggs.
When he ate it, he felt that they tasted the same and there was no difference between them. Only the colors they were made of were different for you.
Then his wife said: Women are like this, they are different in shape and body but they taste the same, what do you want from another woman!!
Then he said, “Sweetheart, it’s true, all girls are the same.”
But I tell you that I was never satisfied when I ate one egg. But when I ate four, I was satisfied.
He meant that although women are the same, when I marry another woman, I can be satisfied with pleasure.
The woman was shocked. The plan was ruined!!
So sometimes a man seeks another woman to have more children.
Or the previous wife did not fulfill her obligation in terms of comfort.
Marriage is not a game, it is a responsibility. Most people who get married now are people who do not know the value of marriage.
He has turned marriage into a game.
You see a nineteen year old girl who has been divorced four times.
And they are common in Somalia.
Society is very broken when it comes to the truth.
You see a man who has a good wife whom God has raised up for him and is looking for another woman.
If you liked this video, don’t be offended.
