Site icon Daruur درور

Sharxidda aayadda xijaabka ee Suuratu annuur

Sharxidda aayadda xijaabka ee Suuratu annuur

Su’aasha:

Asc waan idiin salaamay bahda daruur wll waxaad ii sharaxdaa ayada xijaabka ee suuratu nuur waad mahadsan thin.

Sharxidda aayadda xijaabka ee Suuratu annuur

 

Macnaha tafsiirka aayadaha xijaabka muslimada

Macnaha tafsiirka aayadaha xijaabka muslimada

Sharxidda aayadda xijaabka ee Suuratu annuur

Jawaabta:

Aayadda xijaabka kusoo aroortay suuratu annuur oo dheer waa middan:

(وَقُل لِّلْمُؤْمِنَاتِ يَغْضُضْنَ مِنْ أَبْصَارِهِنَّ وَيَحْفَظْنَ فُرُوجَهُنَّ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا مَا ظَهَرَ مِنْهَا ۖ وَلْيَضْرِبْنَ بِخُمُرِهِنَّ عَلَىٰ جُيُوبِهِنَّ ۖ وَلَا يُبْدِينَ زِينَتَهُنَّ إِلَّا لِبُعُولَتِهِنَّ أَوْ آبَائِهِنَّ أَوْ آبَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ أَبْنَائِهِنَّ أَوْ أَبْنَاءِ بُعُولَتِهِنَّ أَوْ إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي إِخْوَانِهِنَّ أَوْ بَنِي أَخَوَاتِهِنَّ أَوْ نِسَائِهِنَّ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُنَّ أَوِ التَّابِعِينَ غَيْرِ أُولِي الْإِرْبَةِ مِنَ الرِّجَالِ أَوِ الطِّفْلِ الَّذِينَ لَمْ يَظْهَرُوا عَلَىٰ عَوْرَاتِ النِّسَاءِ ۖ وَلَا يَضْرِبْنَ بِأَرْجُلِهِنَّ لِيُعْلَمَ مَا يُخْفِينَ مِن زِينَتِهِنَّ ۚ وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ‎﴿٣١﴾‏)

(Waxaad ku Dhahdaa (Haweenka) Mu’minaadka ah, (Xaqa Rumeeyey) Ha Laabeen Indhahooda hana Dhawreen Farjigooda yaysan muujinin Quruxdooda wax Muuqda Mooye, Hana ku Daheen Hagoogtooda dhuuntooda, yayna u Muujin Quruxdooda Ragooda Mooyee, iyo Aabayoowgood iyo Ninkooda Aabihiis, iyo Wiilashooda iyo Wiilasha Nimankooda iyo Walaalahood iyo Wiilasha Walaalahhod, iyo Wiilasho (Gabdhahay) Walaalaha yihiin, iyo Haweenkooda (Muslimka ah) ama waxay Hanato Midigtoodu (Gacantoodu) ama kuwa Raaca een Dan Lahayn (Hawood u Lahayn) oo Ragga aha ama Caruurta aan Fiirsanayn Cawrada Haweenka, Yeyna kuna Garaacin Lugahooda (Dhulka) in la Ogaado waxay Qarin oo Quruxdooda ah, una Towbad keena (U Noqda) Xagga Eebe Dhammaan Mu’miniineey waxaad u Dhawdihiin Inaad Liibaantaane)

Sharaxa:

Ayadda waxay ka hadlaysaa raga iyo dumaka inay indhahooda laabtaan oo aysan eegin cowrada dadka, oo ayna ilaaliyaan farjigooda, dumarka waxaa usii dheer inaysan muujinin quruxdooda wixii muuqdo mooyee taas oo laysku khilaafay fasirkeeda, khilaafkaas wuxuu keenay in laysku khilaafo wejiga ma cowro baa mise cowro ma ha, marka indhashareerka ama niqaabka ma waajib baa mise waajib ma aha, khilaafkaas wuxuu u noqonayaa fahanka aayaddan si kaste ha ahaatee waa mas’alo fiqi ah oo laysku khilaafi karo.

Aayadda waxay caddeysay dadka aan layska xijaabin .

Waxaa kaloo ku jirta suurtu annuur aayad iyadana xijaabka ka hadashay waa middan:

(وَالْقَوَاعِدُ مِنَ النِّسَاءِ اللَّاتِي لَا يَرْجُونَ نِكَاحًا فَلَيْسَ عَلَيْهِنَّ جُنَاحٌ أَن يَضَعْنَ ثِيَابَهُنَّ غَيْرَ مُتَبَرِّجَاتٍ بِزِينَةٍ ۖ وَأَن يَسْتَعْفِفْنَ خَيْرٌ لَّهُنَّ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ‎﴿٦٠﴾)

Xijaabka habraha waaweyn
Xijaabka habraha waaweyn

(Kuwa ka Fadhiistay (Ka quustay dhalmada) oo Haweenka ah oon guur Rajaynayn Korkooda Dhib (Dambi) ma Saarra inay iska Dhigaan Dharkooda (Iska Fududeeyaan) iyagoon ismuujinayn Qurux, Inay Dhawrsadaan yaase u Khayr Roon Eebana waa Maqle Og)

Sharaxa:

Aayaddan waxay ka hadashay dumarka markay weynaadaan oo ay gaaraan xilliga duqnimada oo dhiigga uu ka dhamaado oo aysan rajo ka lahayn guur xijaabka  inaan laga rabin oo lasoo sheegay oo ay dharka iska fududeyn karaan iyagoon is qaawinaynin.

 

Sida loo idan qaato iyo diinta waxay ka qabto

Exit mobile version