Shahwada inaan isku celiyo maxaa ka dhalankara

Su’aasha:

Waxaan daawadaa mararka qaar filimaanta qaawan ama sexy video marka aan daawado ka dib waxaan isku dayaa inaan isla muuqaalka aan daawanaayo ku dul siigeysto waliba saliid macsarada ayaan isticmaalaa markay biyaha iga soo dhawaadaana faraha ayaan ka qaadaa oo waan isku celiyaa shahwada. Marka aan galo musqusha ee aan kaadinaayo waxaa soo raacaayo kaadidii biyo cad oo dareeraayo, kuwaas oo kale marekey iga soo baxaan qubeys maala iga rabaa.

Shahwada inaan isku celiyo maxaa ka dhalankara
Shahwada inaan isku celiyo maxaa ka dhalankara

Jawaabta:

Marka hore waad ku mahadsan tahay webkan inaad talo usoo bandhigato marka labaadna ka fogow inaad dawato filinka galmada ama xumaanta ama naagah qaaqaawan, maxaayeelay waa dambi sidoo kale wuxuu kugu ridaa sino toos ah, waayo marka ay shahwada kacdo qofka wuxuu raadinayaa meel uu ku shubo, caqliga ayaa kaa tagaya.

Marka aan ka hadalno biyaha in laysku reebo ama qofka biyaha marka ay ka bixi rabaan inuu isku celiyo taas dhibaatooyin bada ayay keenaysaa xagga caafimaadka qofka wuxuu ka qaadaa xanuun xagga xubinta taranka iyo xiniinyaha ama qooraha, sidoo kale waxaa laga yaabaa biyaha inay ku laabtaan qaska iyagoo soo baxay oon xubinta soo dhaafin, taas marka waxay keenaysaa inay soo baxaan adoo kaadinaya.

Culimada muslimiinta iskuma haystaan haddii qofka uu biyabaxo asoo raaxaysanayo inuu qubays ku wajibayo, laakin qofka haddii biyaha ay kasoo baxaan asoon kacsanayn ama asoo kaadinaya wax raaxo ahna ma dareemin taas waa isku khilaafeen qaarkooda waxay dhaheen qubays ayaa ku waajibaya qaarna kuma waajibaya, laakin aniga xaaladdaada marka aan ku dabaqo waxaan ku leeyahay qubays ayaa kugu waajibo maxaayeelay raaxo ayaad ku jirtay waxaana sabab ay ayayd raaxada biyaha inay meeshaas soo gaaraan.
Marka waa inaad qubaysataa.

Biyaha durbaba soo noqonayo uurka miyay saameeyaan

وحكي أن الأحوص بن جعفر الشاعر المشهور كان يهوى أخت زوجته

ولا يفصح باسمها وفي الأمالي أن اسمها نخلة فتزوجت برجل من العرب اسمه مطر

فاشتد بالأحوص الغرام فباح به وأنشد:

أإن نادى هديلاً ذات فلج … مع الأشواق في فنن حمام
ظللت كأنّ دمعك درسلك … هوى نسقاً وأسلمه النظام
تموت تشوّقاً طرباً وتحيا … وأنت جوى بدائك مستهام
كأنك من تذكر أم حفص … وحل وصالها خلق رمام
صريع مدامة غلبت عليه … تموت لها المفاصل والعظام
وإني من بلادك أم حفص … سقى بلداً تحليه الغمام
أحل النعف من أحد وأدني … مساكنها الشبيكة أو سنام
سلام الله يا مطر عليها … وليس عليك يا مطر السلام
فلا غفر الإله لمنكحيها … ذنوبهم وإن صلوا وصاموا
كأن المالكين نكاح سلمي … غداة يرومها مطر نيام
فإن يكن النكاح أحل شيء … فإنّ نكاحها مطر احرام
فلو لم ينكحو الاكفاء … لكان كفيئها الملك الهمام
فطلقها فلست لها بكفء … والاعض مفرقك الحسام

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More