Site icon Daruur درور

Salaada marka la tukanayo go’ ama macawista naasaha hoostooda ma lagu xiran karaa

Su’aasha:

in mara ama macawiista lagu xirto nasaha korkooda oo an funaanad ama shaati la xiranin oo macawista lagu qariyo cowrada anqowga ilaa xabadka hoostiisa hadii sidaas an kutukado may iga ansaxmeysa.

Salaada marka la tukanayo go' ama macawista naasaha hoostooda ma lagu xiran karaa
Salaada marka la tukanayo go’ ama macawista naasaha hoostooda ma lagu xiran karaa

Jawaabta:

Cowrada ninka waxay kasoo waa inta u dhexeysa jilbaha ilaa buufka qofka hadduu asturo salaaddiisa way ansaxaysaa hadduu sameeyo sida aad sheegtay, culimada qaarkooda way diideen inuu sidaas ku tukado hadduu maro kor ku daboolo haysto, waxay dhaheen salaadda ma ansaxayso waxayna daliilsadeen xadiiska saxiixa ah oo oranaya:

(لا يصلين أحدكم في الثوب الواحد ليس على عاتقه منه شيء)

(Yuuna ku tukanin midkiina hal maro asoo garabkiisa wax aan ka saarnayn)

Laakin culimada oggol waxay dhaheen nahyiga xadiiska kusoo arooray waa nahyi kiraaha ee ma aha nahyi taxriim, marka qofka hadduu ku tukado sidaas salaaddiisa way ansaxaysaa laakin waa laga fiican yahay waxaana qaba sidaas mad’habka Shaafici.

Haddii qofka uusan haysanin maro kale taas layskuma haysto waxaana loo daliilsaday xadiiska oranaya:

(إذا صليت وعليك ثوب واحد , فإن كان واسعا فالتحف به , وإن كان ضيقا فاتزر به )

(Haddaad tukanayso oo hal maro aad wadato haddii ay waasac tahay isku dabool haddii ay ciriiri tahayna hoos ku xiro)

 

 

Qofka Imaamka Haduu Salaada Faaruqo Mala Sii Wadan Karaa Mise Waa Ku Celis

Exit mobile version