Site icon Daruur درور

Saaxibkayga fal xun ayuu igu sameeyay

Su’aasha:

shiikhow qof ayaa jiro mudo badan ayaan saaxiibo ahayn aad baan isugu kalsoonayn, laakin waxaan dareemay inuu xaasid yahay, waayo waxaan ku arkay asoo hadalo kaftan durmo ah igu dhahayo wuxuu ka xumanayaa waxa aan haysto shaqada iyo lacagta isoo gasha marka waxaan ku ogaaday inuu xaasid yahay qof ayuu ku siraystay hadal aniga i khuseeya  dhowr jeerna waxaan ku arkay inuu dad igu nxamanayo hal qof ma aha.

ninkaas ixsaan weyn ayaan u qabtay halkan inaan ku sheego ma rabo laakin wuxuu igi abaalmariyay si aanan ka mudanin, gadaal dambe wuuba cadeystay inuu xaasid yahay si toos ah ayuu igu sheegay marka ninkaas haddaan ka fogaado diinta maxay ka qabtaa oo aan jaro.

Saaxibkayga fal xun ayuu igu sameeyay
Saaxibkayga fal xun ayuu igu sameeyay

Jawaabta:

Qofka muslinka waligiisa ma aha inuu xaasid noqdo dadna xasdo, qofkaas haddii ay sugan tahay falalka uu ku dhaqaaqay waxaa kugu habboon inaad u nasteexayso haddii ay kuu suuragasho.

teeda kale qof muslin ah ma bannaana inuu gooyo qof kale muslin ah marka ay ugu yar tahay waa inuu salaanta ka qaadaa, laakin saaxiibtinnimada hoose waad ka ka jari kartaa taas waajib kuguma aha maadaama aad ogaatay inuu yahay qof dhib kuu geysanayo ma aha inaad dhigaaga ka taliso, haddii aad meel ku aragto oo uu ku salaamo salaanta u jawaab hadduu dhib haysto oo wax uu u baahan yahay wax sii haddaad awooddo.

ixsaanka aad buu u waangsan yahay, qofka xun xataa waxaa laga yaabaa inuu soo tooso marka loo sameeyo wanaag.

Exit mobile version