Riyooyinka is khilaafayo ma wada saxan yihiin
Su’aasha:
Asc walaalaha Daruur waxaa jirta Dhowr Riyooyin oo aad Ii fasirteen riyooyinka qaar waxay ahaayeen qeyr kuwana Shar Qaarkood waan arkay qaarna wali ma arkin
Hadaba waxaan is waydiiyey Riyooyinkan is wada Khilaafsan kuwana qeyrka ah kuwana sharta ah sidee u wada dhici karaan Tusaale ahaan waxaan ku riyooday aniga oo indhaha nabro iiga Soo baxayaan waxaa la iigu fasiray Danuub iyo macsi iyo Faqri hadana waxaan ku riyooday Cunto iyo caano anoo cabaya waxaa la iigu fasiray Hanti iyo Dhaxal
Sidee labadaas riyo aan u wada heli karaa maadama is wada qilaafayaan

Insha Allah walaal aad baad u mahadsan tihiin