Site icon Daruur درور

Riyo labo mas oo cagta laga soo bixinayo

Su’aasha:

Asc walal waxaan arkay riyo iga yabisay

Waxaan ku riyoday lugta far yarayda agteeda meel book ah iga soo baxday dhacaan ayaa ka imanayay dhiig, malax iyo dhacaan kadib waan tuujiyay si aan dhacanka oga miiro kadib waxaan arkay wax aad moodo dun waan soo jiiday waxaaba ku daba dhagan wax indha leh kadib waan naxay anigo qaylinayo wajigana ka dad baayo ayaan soo jiiday awood ayaad isku yeelay waxaan intay kugu dhexjiri lahayeen Mar un hakaso baxaan way iga soo baxeen waana laba mas oo isku daba dhaqan oo kan hore xoga dher yahay oo indha kuus kuusan leh sharax sharaxna leh markaan arkay waan ooyay anigo leh alla ma waxaana korkayga ku jiray cabaar markaan qayliyay
Ayaan iri haduuba illaahi iga soo bixiyay maan illahi ku xamdiyo kadibna alx alx alx anigo ku cel celinayo ayaan soo kacay

Ilaaa manta waxaan garan la ahay waxan tahay riyadan awal hadan wax ku riyoodo wan ka Socon jiray midaan niyadayda wayba ka bixi la dahay

Jwb wcn insha allah

Riyo labo mas oo cagta laga soo bixinayo
Riyo labo mas oo cagta laga soo bixinayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa culeys weyn inuu kaa dagi doono inaad dhib ka nasan doonto waliba wax dhib weyn kugu hayay oo aadan ogeyn wuxuu yahay, waliba waxay u badan tahay in noloshaada ay ka baxayaan dad cadow kugu ah oo qarsoonaa aadan ka filaynin cadaawad iyo xaasidnimo, waxaad badisaa akhriska ruqayada sharciga ama tufta sunada kusoo aroortay الرقية الشرعية sidoo kale badi istiqfaarta.

Exit mobile version