Site icon Daruur درور

Riyada xun Malaga hor tagi karaa

Su’aasha:

Asc wll waxaa jirtay riyo Kooban oo aan arkay Taasoo aheyd in indhaha nabro iga soo baxeen Riyada waxaa la iigu fasiray in Faqri macsi iyo cuduro igu Soo wajahan yihiin Riyadan Maalmo kahor inta aan idin Soo qorin ayaan ku riyooday isla sidii ayaan arkay indhaha way I xanuunayaa waxaana iiga Soo baxay nabar Xanuuno ayaa igu dhacay Sida Gaas Tayfood iyo Maleriyo ayaa la iga helay Faqri badan ma arkin lkn markii horeba Nin dhalinyaro aan waxba haysan baan iska ahaa macsina waan ku dhacay Hada waxaa iheysta Wal Wal ah inaan cuduro waa Wayn qaado sida HIVga oo kale maadaama Riyada cuduro ay tilmaamtay waxaa ihaysta Cabsi ku saabsan Riyadaas waxaan joojiyey dhamaan xumaantii aan ku jiray waxaana isku dayayaa inaan qeyr iyo ilaahay Wuxuu raali ka yahay aan sameeyo

Riyadaas ma sida loo fasiray ayey ahaaneysaa mise hadii aan qeyr sameeyo xumaantana ka fogaado Riyada waxbaan ka bedeli karaa fasirkeeda.

Riyada xun Malaga hor tagi karaa
Riyada xun Malaga hor tagi karaa

Jawaabta:

Haddaad xumaanta ka towbad keento aad wanaagga ku dadaasho oona aad badiso ducada Ilaahay wax fiican ayuu ku siinayaa wixii dhib ahna waa kaa qaadayaa ducada badso inshaa Allaah waxba haka walwalin Ilaahay aad buu naxariis badan yahay.

Exit mobile version