Riyada xaaskayga uur leh oo foolanayso iyadoo hooyadeeda la joogta

Su’aasha:

Asc Daruur.com, xaaskayga ayaa ku riyootay laba riyo oo hal habeen ama laba habeen ay udhexeeyeen,,
Midda 1aaad : waxay kuriyootay iyadoo uurleh oo aan isku raacayno dhakhtarka si aan usoo saaro koombuyuutarka(ultrasound) ka.
Midda 2aaad : waxay kuriyootay iyadoo foolanaysa lugaha iyo gacmuhuma ay u xinnaysanyihiin, hooyadeed ayaa lajoogtay oo kuleh ” gacmaha sifiican umari xinnaha” iyadna waxay ugu jawaaabaysa wakhtigan waxba ma marsan karo hooyo,, kadibna hooyadeed ayaa ku dhahaysa imika ma sidan ayaad ku foolaynaysaa? Ilaahay foosha uu ku yassiree.
Xaaskaysa dhawaan ayaan is guursannay wali wax uur ah malahan.
Riyooyinkaa fasirkooda iisoo sheega rabbi ha idin xifdiyee.

Riyada xaaskayga uur leh oo foolanayso iyadoo hooyadeeda la joogta
Riyada xaaskayga uur leh oo foolanayso iyadoo hooyadeeda la joogta

Jawaabta:

Riyada waa bishaaro labadaba way isku xiran yihiin waxayna tilmaamayaan in xaaskaaga ilmo ay heli doonto oo uur ay qaadi doonto, sidoo kale ilaahay umuuraheeda inuu u fududayn doono, sidoo kale nolosha gurigiina inay noqon doonto nolol farxad leh

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More