Riyada wiil gabar isha dhagax kaga dhuftay
Su’aasha:
sc sheikh waxa aan ku riyooday anigoo wado maraya ayaa aan arkay gabar iyo wiil is dagaalaya kadib wiilkii ayaa gabadhii isha dhagax kaga dhuftay weliba si daran .ishii inta ay dilaacday ayaa ay dhiig farabadan ka daatay gabadhii waxa aan soo kacay anigoo ashahaadanaya naxdinti aan ka naxay isha gabadha darteed.jazalallah kheyr.
