Riyada waraabka adhiga fasirkeeda
Su’aasha:
Habeen ayaan waxaan ku riyooday anigoo adhi waraabinaaya, adhiga waxaan ka waraabinaayey meel ceel ah. Sida habeen kale ayaan iyana waxaan ku riyooday anogoo adhi badan oo aanaan hore u lahayn helnay si kadis ah aniga iyo wiil aanu walaalo nahay, markaan adhigan wuxuu si kadis ah gurigayaga u soo galay goor cadeedu sii dhacayso oo salaada maqrib ku beegan. waxaan jeclahay in aad labada riyo ii soo fasirtaan.
