Riyada u safrida Turkiga iyo aragtida Fahad Yaasiin

Su’aasha:

Asc waxaan ku riyooday aniga iyo wiil aan saaxiibo nahay oo u safray Turkiga Diyaarad ayaan raacay markaan garoonka ka dagnay ayaa waxaa Nagala hubinayey Visa yaasheena iyo Shahaadooyinkeena dadka badankooda muran ayaa Laga gelinayey Shahaadooyinkooda aniga waxaa la ii diray qeyb hubin ah Scan ayaa lasaaray waxaa la isoo siiyey warqad cadeeneysa in ay Saxan tahay waala i fasaxay waxaan tagnay magaalo yar oo Somalia u eg oo xadka Turkiga iyo Gariiga kutaal dad badan oo aan garanayo ayaan ku arkay markii dambana waxaan arkay Fahad yasiin oo gaari saaran gacanta ayaan u taagay Marka hore Gaariga orod ayuu nagu dhaafay hadana Wuu iiso noqday asagoo isha igu haayo dhalinyaro kale ayaa ila socotay waxba muu siin aniga kaliya ayuu isiiyey Laba Xaanshi oo lacag ah midna 94 ku qoran tahay midna 95 dadka ila socda waxay ileeyihiin lacagtan waa Qaali dollarka xataa way ka qaalisan tahay waa lacag cusub oo Somalia loosoo saaray waxay Aheyd lacag gaduudan oo tan lirada Turkiga u eg kana qurux badan.

Riyada u safrida Turkiga iyo aragtida Fahad Yaasiin
Riyada u safrida Turkiga iyo aragtida Fahad Yaasiin

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa isbadal noloshaada la xiriira meel ayaad u dhoofi doontaa waxaa laga yaabaa inay tahay Yurub waxaadna noqon doontaa qof mustaqbalkiisa meel sare gaaray oo awood yeeshay sidoo kale hanti helay, qof meel mas’uul  ka ah markaad aragto waxay tilmaamaysaa magaca aad yeelan doonto.

Fahad Yaasin sirdoonka soomaaliya ayuu madax ka ahaa sidoo kale hadda kahor wuxuu wariye ka ahaa kanaalka Aljazeera ay Qadar leedahay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More