Site icon Daruur درور

Riyada tagida Makka iyo booqashada xaramka iyo ku dabaalashada wabiyo

Su’aasha:

ASC ALLAH MAHADLEH
WAAD MAHADSAN TIHIIN GUUD AHAAN WEBKA DARUUR ALLAH MACAK

WAXAAN KU RIYOODAY ANOO TAGAY MAKAH OO UU II MUUQDO XARAMKII AMA MASAAJIDKA XASHKU
WAXAANAN KU DABAALANAYAY WABIYO MAKAH KU YAALO OO AAD U QURUX BADAN
ANOO AAD UGU FARAXSANAA TAGIDA XASHKA
ALLAH MAHADLEH.

Riyada tagida Makka iyo booqashada xaramka iyo ku dabaalashada wabiyo
Riyada tagida Makka iyo booqashada xaramka iyo ku dabaalashada wabiyo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa waxyaalaha Alle aad weydiisan jirtay inaad heli doonto sidoo kale inaad noqon doonto qof diinta islaamka ku dhegan khayrka Alle inaad ku dabaalan doonto hanti meel la kala dhigo aan lahayn inay gacanta kuusoo gali doonto.

Waa riyo aad u fiican oo wax weyn tilmaamaysa inshaa Allaah khayrkeeda ayaad arki doontaa.

Exit mobile version