Riyada salaad subax kadib iyo tan ka horreysa tee riyo shaydaan ah

Su’aasha:

Asc aad ban u salamaya bahda daruur waxa aan u baahna in la ii kala saaro riyada salaad subaxa ka dib iyo ka hor tee baa riyo shaydaan ah tee la odhan karaa waa riyo caadi thanks.

Riyada salaad subax kadib iyo tan ka horreysa tee riyo shaydaan ah
Riyada salaad subax kadib iyo tan ka horreysa tee riyo shaydaan ah

Jawaabta:

Riyada shaydaanka waa riyada inta badan cabsida iyo argagaxa ama qarowga la socda ama qofka inuu arko galmo, markuu soo toosana biyaha shahwada isku arko, riyadaas waa riyo shaydaan ku tusiyay, waqtina kuma xirna habeen ama maalin ama salaad subax kadib ama salaad subax ka hor waa la arki karaa.

Riyada dhabta ah inta badan waxay wadataa astaamo lagu garanayo inay dhab tahay, waxaa ka mid ah inay wax cad tahay sida dhab oo kale waxyaalaha aad ku dhex arkayso aad bay u cad yihiin, sidoo kale inta badan niyadda wax aad ku haysay ma aha markaad soo jeedday, marka aad soo kacdo way kuu muuqanaysaa riyada dhabta ah, xataa qofka wuxuu dareemayaa fasirkeeda siduu noqon karo waa riyo caqligal ah oo aan qarsoodi iyo tashwiish lahayn.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More