Riyada Safarka Doonta oo South Africa aan u socdo
Su’aasha:
Asc waxaan ku riyooday anoo xeebta jooga oo kubad ciyaarayo Nin shiinees ah oo maamo Somali ah oo wayeel ah daawo u qorayo maamadii iyo Ninkii ayaan u kala Turjumay kadib daawo ayuu siiyey Ninkii Wuxuu u baxay Badda dhankeeda oo Maraakiib iyo duumo badan ay taagan yihiin waxaan ku dhahay xagee u Socotaan Wuxuu igu yiri South Africa waxaan ku iri hadaan idin raaco kwrn oo South Africa aan sidaa ku tago lacago ayuu iwaydiistay ilaa 62kun oo dollar Wuxuu igu yiri ilaa Mareykanka baan ku geynayaa aniguna waxaan ku iri lacagtaa ma heysto ee South Africa kaliya I gee muran badan kadib Marka Badda aan u dhawaanay waan ka tagay waxaan arkay Dad aan garanayo oo Duumo wata oo iyagana South Africa u jeeda kuwii ayaan raacay kadib Ninkii shiineeska ahaa Nin lasocday ayaa ii qeyliyey oo Kaalay nasoo raac idhahay ane waanka diiday oo dadkii aan garanayey ayaan raacay waxaa Nala geliyey meel Hoose oo doonta ah Sidoo kale doonta Way dalooshay waala kabayey doontii markaan koray Ayaa waxaa la igu dhahay cunto aad cunto Soo qaado Rashin ayaan doontay rooti iyo digir suugo Laga Sameeyey ayaan Soo qaatay anoo deg degsan Marka aan Soo laabtay doontii way iga tagtay waxaan arkay hadana Doon kale oo wiil aan garanayo oo tii hore ka qurux badan kana orod badan oo aan umaleenayo in aniga ay iisoo laabatay tii ayaan hadana raacay dadka doonta saarnaa aniga ayey cunto ay cunaan iwaydiisanayeen qaarkoodna iyaga oo aan I weydiisan bey gacanta iskala galeen Jidka Marka aan sii mareynay oo aan Badda Jibaaxnay ayey Riyada iga kala go,day
Riyadaan makala hilmaamin waxayna aheyd mid riyo ka Wayn oo isbed bedel badan hadana sida ay tahay aan ka hilmaamin oo wali aan aad u Xasuusnahay.
