Riyada qof safar ku jira dood iyo dagaal kadib gaarigii ka tagayo
Su’aasha:
Asc Daruur.com, waxaan kuriyooday anigoo safar galaya, boorsadaydii ayaan soo xidhxidhay waxanan imid shirkadii baabuurta laga raacayay tigidhkii ayaan goostay kadib gaadhiga ayaan fuulay waana wakhti habeenimo ah, gaadhigii markuu magaalada kabaxay ayuu jiidhay neef xoolo ah ,waxyar kadib dadkiu neefka lahaa aya nagusoo xoomay waan soo dagnay kadib dirwalkii iyo nin kamid ah kuwii neefka lahaa ayaa aad u Murmay, kadib waxan ku fikiray intay murmayaan miyaad iskayara dhaqaaqdid banaanka ayaan ubaxay waqti yar kadib ayaan soo laabtay waxaanan arkay gaadhigii oo tagay, waan Welwelay waliba aad waayo alaabo ii muhiim ahaa ayuu igala tagay, kadib taleefanno ayaan dirsaday ugu danbayn waxaa la iisheegay alaabtii in la ii hayo, riyadaydaa iiga Fatwooda hadii aad tihiin kuwo riyooyinka cabbira.
