Waxaan ku riyoodey aniga oo laba guri dhaxdooda maraya meeshaas oo ah wado kadib waxaa iga hor imaanayo guri kadib waan riixayaa wuuna ila soo gadoomayaa markaas ka dib meel aan joogo waan aqooni waayey mar ayaan is dhahay madhimatey oo gurigi maa kugu soo gadoomey ka dib hurdada ayaan kasoo kacay maxaa lagu fasiri karaa riyadaa.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa inaad dhib gali doontid, dhibkaas waa dhib halis ah, Ilaahay khayr haka dhigo, guri inuu kugu soo kor dumo oo kugu soo dhaco waa wax aan fiicnayan, waddada aad hayso kasoo laabo wax kaste ay tahay haddaad go’aan arrin ka qaadatay ka laabo ama wixii aad maagan tahay oo aad rabto inaad samayso ha sameynin.