Riyada qof anoo hurdaya lacag iga qaatay oo aan kasoo ceshtay
Su’aasha:
Asc , waan hudeynay aniga iyo caruurteyda , waxaan arkay wiil dhalin yaro ah oo aan aqaano waxaa la socday canug yar , wuxuu iga qaatay lacag meel ku jirtay , waan kasoo kacay , waana qabtay waxaan galiyay gacanta jeebkiisa waan kala baxay lacagteyda , waxaana ku jirnay guri weyn oo sar ah oo qolal badan ka kooban , waxaana lahaa wuu heystaa furaha sakatuurka , hadiiba soo galay , jabin iyo waxyeelo guriga soo gaaray majirin, maxay noqoney ?.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto wax kaa maqanaa ama wax kaa lumay siiba wax aad illowday oo niyaddaada ka baxay, haddaad aragto adoo lacag ama hanti kale lagaa qaatay aadna soo ceshatay riyada waxay tusinaysaa wax kaa lumay ama kaa maqanaa inaad dib u heli doontid, waa khayr inshaa Allaah.