Riyada qof aabe gaari la saaran iyo dilka eeyaha

Su’aasha:

Xaley waxaan ku riyoodey waxa waaye aniga oo Aabo iyo walaalkey iga weyn isla socono gaari bas ah kor kasaaranahay dhamaanteen aniga iyo aabo iyo walalkey Marka aabo midig ayuu iga xigey anigaa kusoo xigey anigane waxaa igu soo xigey quf kale oo aanan aqoonin qufka kale ee aanan aqooni asigane waxaa kusii xiga quf ay wada sheekeysanayeen marka ayagoo shekeysanaya aabo ayaa Aayat quran soo qaatey marka aniga maxasuusto ayadaas markaas wiilki igu xigey ayaa dhahay aayada sidaas ma ahan ee waa sidaas waxaana saxsanaa wiilka sida uu dhahayey marki aabo loosheegey waa uu xanaaqey maxaa kaagaley wax sidaas ah ayuu dhahay anigane waxaan dhahay isku xishoow aabe hana ceebeyn gaari ayaanu saaranahay kadib Gaarigi waan kasoo dagney jid ayaana lugeyneyney Aniga xoogaa waan kasoo hor marey guriga ayaan imaadey markaas waxi ka dambeyey waxaan galey Cabsi oo waxaan arkey eeyo badan oo nabursanaya aniga iyo wiil isku xaafad aanu nahay ayaha kooxkoox ayey usocdeen anagane koox ayaan iska dhigney oo dhagaxyo ayaan qabsaney waana iska celiney eeyihi waana wada dilney marki ugu dambeysey Hal ey oo cadaan ahaa ayaa naga fukadey oo aanu weyney waana soo radiney waan aragney 4ta dhinac ayaanu kamarney anakoo dhagax u heysano asigane qeylinayo ayaan hurdada kasoo kacay Ay madowne maku jirin ayihi an dilney gaduud ayey ahaayeen (walaal riyadaa iifasira ).

Riyada qof aabe gaari la saaran iyo dilka eeyaha
Riyada qof aabe gaari la saaran iyo dilka eeyaha

Jawaabta:

Riyadan ujeedooyin badan ayay tilmaamaysaa oo muhim ah, aabahaaga oo aayada Quraanka si qalad u akhrinaya taas waxay tusinaysaa inuu u baahan yahay in laga saxo qalad uu ku jiro.

Riyada dhanka dilka eeyaha gudguduudan aad dilaysaan waa cadowga aad iska reebi doontaan dadka idin dhibaya ayaad ka adkaanaysaan eyga cad waa guusha aad ka gaaraysaan cadowgiina, eyga cad waa astaan is dhiibid.

Riyada guud ahaan waa riyo tilmaamaysa xaalka qoyskaaga waxaa lagaaga baahan yahay aabahaaga inaad ka qabato qalad haduu galayo, sidoo kale inaad iska ilaaliso dadka qoyskiina cadow ku ah, waana digniin.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More