Riyada qaabilitaanka qof meel madax ka ah

Su’aasha:

Asc waad mahadsantihiid webka daruur Allah macak
waxaan ku riyooday anoo lakulmay maayirka ama duqa caasimada aan joogo lkn midkalaa hada lagu badalay walow aanu wali xilkii wareejin
waxaan ugu tagay xafiiskiisa hortiisa barxada isagoo kursi kufadhiya ninkalana lajoogo oo taagan yahay ninkaasi
asc is waran madaxwayne waan is gacan qaadnay madaxwayne Ayan ku idhi intuu yaabay oo qoslay ayuu yidhi waan iga dhamatay xiligaygii oo maadan okay ogaynba dhawaan xilka waan wareejinayaye
waxba malaha ayaan ku idhi ee madaxbaad tahay kana aduunbaa meesha keenay oo udaayay
waa runtaa oo gurigaygaa lagu doortay ayuu igu yidhi
waxaan ku idhi waxaan doonayay in aad imaalgalisan dhisme dhakhtar wayn ayaan rabaa inaan dhiso
waxaananu Kala qoranay telephonada
asc

Riyada qaabilitaanka qof meel madax ka ah
Riyada qaabilitaanka qof meel madax ka ah

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa heerka aad gaari doonto iyo sida laguu tixgalin doono, riyadan waxay xoojinaysaa riyooyinka badan aan kuu fasiray oo dhamaan wada tailmaamaya hrormar iyo guul iyo talo.

Qofkii ku riyoodo qof jago haya asoo la kulmaya kutubta riyada fasirta oo dhan waxay isku waafaqsan yihiin inuu ninkaas heer sare gaari doono siiba marka uu arko asoo salaamaya oo lasoo dhoweynaya.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More