Riyada naag dhimatay iyadoo lagu leeyahay musqusha gal

Su’aasha:

Asc ,nin wuxuu arkay naag dhimatay u yaqaano , asagoo ku leh gal musqusha .

Riyada naag dhimatay iyadoo lagu leeyahay musqusha gal
Riyada naag dhimatay iyadoo lagu leeyahay musqusha gal

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa naagtaas inay u baahan tahay duco, in Alle loo baryo,  musqusha waa meel laysku nadiifiyo lagu qubeysto qofka marka uu dambi galo waa sida qof uskag soo gaaray oo u baahan inuu qubaysto, naagtaas fariinta la farayo oo ah inay musqusha gasho waxaa laga wadaa inay u baahan tahay dahaaro, qofka marka uu dhinto camal suuban ma heli karo kaliya waxaa u furan waddada ducada, qofka muslinka oo dhintay haddii Alle loo baryo ducada way anfacaysaa.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More