Site icon Daruur درور

Riyada maydhashada balayga iyo nin fool xun

Riyada maydhashada balayga iyo nin fool xun

Su’aasha:

Asc Allah mahadleh
ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo guud ahaan webka Allah macak

codsi hala ii fasiro oo kaliya haday fiican tahay
many thanks
waxaan ku riyooday anoo balay buuxo ku maydhanaya meel wada dooga ah
biyo nadiifa kabacdi waxaa dhinacaasi taagnaa nin buka oo dhiig ka socdo oo jidhkiisu madow yahay
dhiigii ayuu biyihii ku shubay oo badan way soo raaceen markay iisoo dhawadeen biyihii wasakhda noqday oo biyihii dushooda madow ka dhigay ayaan ka baxay intaanay is oo gaadhin nin fool xuna wuu ahaa oo cabsile
lkn anuu kamaan baqayn kamana cabsan ee biyihii oo soo raaciyay dhiigiisa wasakhda ah ayaan ka baxay intaanay is isoo gaadhin
Allah mahadleh

Riyada maydhashada balayga iyo nin fool xun
Riyada maydhashada balayga iyo nin fool xun

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad iska ilaalin doonto waxyaalaha xunxun oo dhibka kaaga imaanaya, laakin inay jiraan dad xumaan kula rabo oo isku dayaya inay dhib kuu geystaan , ninkaas foosha xun oo bukan wuxuu astaan u yahay dad qalbiga ja jiran oo xaasid ah oo sumcaddaada kaa hallayn raba, laakin waad ka badbaadaysaa inshaa Allaah.

Teeda kale waa digniin iska ilaali dadka xaasidka ah oo labada weji leh.

The dream indicates that you will beware of the evil things that come from you, but that there are people who want evil against you and try to cause you harm, that ugly and sick man is a symbol of people with a sick heart and jealousy who want to ruin your reputation, but you will be saved in the hope of Allah.

The other is a warning to beware of jealous people with both faces.

Riyada qubeyska halkan ka daawo

Exit mobile version