Site icon Daruur درور

Riyada masjidka oo aan quran ku dhex dhagaysanayo

Su’aasha:

Asc waad mahadsan tihiin guud ahan webka daruur Allah macak
waxaan ku riyooday anoo masaajidka dhex diisa ku dhagaysanaya quran wali sheakh aad u cod macaan
dadkuna ay la dhaceen codkiisa
Allah mahadle.

Riyada masjidka oo aan quran ku dhex dhagaysanayo
Riyada masjidka oo aan quran ku dhex dhagaysanayo

Jawaabta:

Riyada dhegeysashada Quraanka kariimka waxay tilmaamaysaa inuu qofka saalix noqonaya oo camal suuban la imaanayo wanaagna faraya xumaantana reebaya, sidoo kale Alle inuu ka ilaalin doono dadka cadowga ku ah khaatumadiisana inay fiicnaanayso.
Dhegeysiga Quraanka kariimka marka riyo lagu arko waa khayr weyn iyo bishaaro aan lasoo koobi karin.

Waliba masjidka oo ah guriga Ilaahay waa meel amaan ah oo uu qofka ku badbaadayo.

Exit mobile version