Riyada madaxwayne Erdogan anoo hab siinaya

Su’aasha:

ALLAH MAHADLEH
ASC WAAD KU MAHADSAN TIHIIN WAQTIGIINA QAALIGA AH EED NA SIISEEN
ALLAH MACAK

WAXAAN KU RIYOODAY ANOO LA JOOGA GABADH IYO NIN WAXAY HAYAAN NIN BUKA DADKU WAA CARAB WAAN EEGEEGAY NINKII BUKAY OO AFKALE AYAYKU HADLAYEEN WAANSE AFGARANAYAY
AYAA WAXAN ARKAY MADAXWAYNE ORDUGAN OO DHINACAYGA FADHIYA KABACDI WAAN SALAMAY OO HAB ISASIINAY
ANOO KU FARAXSAN
NINKII BUKAY AYAA ISAGOO FEEDHO QAAWAN XAGII ORDUGAN U KACAY KABACDI WAXAY LAHAYEEN
MADAXWAYNE ORDUGAN AYAA KHAMRO SIIYAY
ALLAH MAHADLEH.

Riyada madaxwayne Erdogan anoo hab siinaya
Riyada madaxwayne Erdogan anoo hab siinaya

Jawaabta:

Riyadan wax weyn ayay wadataa guud ahaan, aragtida madaxweynaha dal kaste ha ka socdee waa arrin tilmaamaysaa jagada aad gaari doonto iyo bulshada qiimaha ay kuu yeeli doonaan, laakin halkaan waxaa kuu sii dheer madaxweynaha turkiga wuxuu matalayaa dowladda turkey oo boqolaal sano dunida muslinka maamuli jirtay, taasna waxay tilmaamaysaa awoodda muslinka inay soo laaban doonto, khilaafada islaamka Turkey ay hoggaaminaysay waxaa la riday 1923-kii boqol sano ayaa dhamaanayso marka la gaaro 2023-ka, marka waxaa laga yaabaa awoodda muslinka inay soo noqon doonto adigana aad kaalin ka qaadan doonto adoo madax ama hoggaamiye weyn ah, ninka buka waxaa laga yaabaa inuu matalayo rafaadka umadda islaamka ay ku jirto oo uu ka badbaadi doono jirrada dibna usoo kici doono.

Riyada waa riyo bishaaro weyn xambaarsan oo umadda islaamka oo dhan u wanaagsan, Ilaahay ha noo soo celiyo awoodda aan haysan jirnay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More