Riyada madaxwayne Erdogan anoo hab siinaya Riyooyinka - Dreams By Su'aalaha On Nov 4, 2021 523 0 Su’aasha: ALLAH MAHADLEH ASC WAAD KU MAHADSAN TIHIIN WAQTIGIINA QAALIGA AH EED NA SIISEEN ALLAH MACAK WAXAAN KU RIYOODAY ANOO LA JOOGA GABADH IYO NIN WAXAY HAYAAN NIN BUKA DADKU WAA CARAB WAAN EEGEEGAY NINKII BUKAY OO AFKALE AYAYKU HADLAYEEN WAANSE AFGARANAYAY AYAA WAXAN ARKAY MADAXWAYNE ORDUGAN OO DHINACAYGA FADHIYA KABACDI WAAN SALAMAY OO HAB ISASIINAY ANOO KU FARAXSAN NINKII BUKAY AYAA ISAGOO FEEDHO QAAWAN XAGII ORDUGAN U KACAY KABACDI WAXAY LAHAYEEN MADAXWAYNE ORDUGAN AYAA KHAMRO SIIYAY ALLAH MAHADLEH. Riyada madaxwayne Erdogan anoo hab siinaya Jawaabta: Riyadan wax weyn ayay wadataa guud ahaan, aragtida madaxweynaha dal kaste ha ka socdee waa arrin tilmaamaysaa jagada aad gaari doonto iyo bulshada qiimaha ay kuu yeeli doonaan, laakin halkaan waxaa kuu sii dheer madaxweynaha turkiga wuxuu matalayaa dowladda turkey oo boqolaal sano dunida muslinka maamuli jirtay, taasna waxay tilmaamaysaa awoodda muslinka inay soo laaban doonto, khilaafada islaamka Turkey ay hoggaaminaysay waxaa la riday 1923-kii boqol sano ayaa dhamaanayso marka la gaaro 2023-ka, marka waxaa laga yaabaa awoodda muslinka inay soo noqon doonto adigana aad kaalin ka qaadan doonto adoo madax ama hoggaamiye weyn ah, ninka buka waxaa laga yaabaa inuu matalayo rafaadka umadda islaamka ay ku jirto oo uu ka badbaadi doono jirrada dibna usoo kici doono. Riyada waa riyo bishaaro weyn xambaarsan oo umadda islaamka oo dhan u wanaagsan, Ilaahay ha noo soo celiyo awoodda aan haysan jirnay. ErdoganRiyada ErdoganRiyada Madaxweynaha 0 523 Share