Riyada macalinka oo iga dalbanayo koofiyad midda sunnada
Su’aasha:
Asc bahda daruur, waxaan arkay macalin i akhrin jiray kutubta diiniga ah asagoo i dhahaayo i keen koofiyad fiican kuwo sunnada ah, anigana ku dhahaayo maxaa kale? Marka aniga waxaan ahay ganacsade markaas, maxaa la dhihi karaa?.
Jawaabta:
Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heer sare gaari doonto heer wax lagaa dalban doono waa khayr inshaa Allaah, waxaa kaloo riyada laga fahmayaa macalinkaaga inuu wax kaa doonayo waxaa laga yaabaa inaad ka gaabisay maalmahaan xiriirkiisa, riyada guud ahaan macne badan ayay wadataa oo la xiriira mustaqbalkaaga iyo xiriirka ninkaas oo wax kusoo baray.
The dream indicates that you will reach a high level where something will be demanded from you is good in the hope of Allah, the dream is also understood from your teacher that he wants something from you you may have delayed in these days of his relationship, the dream generally has many meanings related to your future and the relationship with that man who taught you something.
Riyada koofiyada oo faahfaahsan halkan ka daawo