Riyada geel hooyo daba socda oo dilaya libaax
Su’aasha:
Asc Allah mahadleh
waad mahadsan tihiin Allah macak
waxaan ku riyooday anoo jooga meel barawaaqo ah oo wada dhiroo doog aad u badanle oo green ah
waxaan taagnaa albaabka waa casar sidan filayo (cadceeda oo gaaban lkn wali aan dhicin ayaan arkayay) waxaa meel ilaa 1km ii jirta soo socota hooyaday geel badanina wuu daba socdaa
waxaan arkay bahal wayn oo libaaxoo ku soo ardaaya hooyaday aadban u naxay waanse eegayaa manaan hadlin
libaaxii markuu geelii soo gaadhay ee uu badh soo dhaafay isagoo xaga hooyo usoo ordaya ayuu geelii ku durduriyay oo ku tuntay oo uu dilayba
markaasaan aad u farxay oon qoslay alxdlh
Allah mahadleh
