Site icon Daruur درور

Riyada laba nin oo toorey isku heysta

Su’aasha:

Asc waan idiin salaamay bahweynta webka Daruur.com, sidoo kale saaxiibka su’aalaha iiga jawaabo adigana waanku salaamayaa nio saakay salaad subixii ka dib waxaan ku riyooday labo nin aan waligey arkin oo middiyo isku heysta oo la kala celinaayo markaasa waxa dhacday in nimankii iyo anigaba aan masjidka isla galno oo salaada ku xirano imaamka markaasba mid ka mida labadii nin ayaa wuxuu taaganyahay gadaal Anigana waan dareemay inuu ninkan wax damacsanyahay, waxaanba arkaa ninkaan oo toorey mirir badan la soo baxay oo rabo inuu ku tuuro ninkii ay is qabteen oo salaad ku jiro anigana markaas salaada wan faaruqay wax yar ka dib ninkii tooreydii uu soo tuuray wuxuuna ku dhuftay ninkii uu la rabay oo laleeyahay mididii ayaa ka taagan ayaan kusoo toosay bal iifasir macnaha riyadaas waana mahadsantahay sxb.

Riyada laba nin oo toorey isku heysta
Riyada laba nin oo toorey isku heysta

Jawaabta:

SCW Saaxiib aad baan kuu salaamay salaan kaddib, riyada waa fidno daran oo dadka kusoo degi doonto dadka midiyaha wata waa dad Alle ka furtay oo dambi lugaha kula jiro oo raba inay umadda fidno u horseedaan waa lagaaga digayaa waxaa la rabaa inaad iska ilaaliso dadka raba inay masaajidda Alle u rogaan goob dagaal iyo meel laysku dilo, dadkaas waxay ku sugan yihiin waddada qaldan.

Fidnadaas waxaa dhici karta in si toos meesha aad degan tahay aad ku aragto ama guud ahaan fidnada ay tahay midda maanta dunida ka jirta.

Exit mobile version